Saddex caqabadood oo hortaagan tayeynta ciidanka Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya oo kaashanaya dadka degaanka ayaa ku guuleystay in 2022-ka ay Al-Shabaab ka qabsadaan magaalooyin iyo tuulooyin kala duwan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.
Inkastoo guulahaas la gaaray, ciidamada waxaa haysta caqabado kale oo ay ka mid yihiin dhaqaale-xumo, karti liidasho iyo tabar darro, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray machadka Heritage.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay miisaaniyadii ugu ballaarneyd abid ee sanadka 2023-ka oo ah 967 milyan oo dollar, balse dakhliga gudaha ayaa ah mid aad u yar.
Dhaqaale-xumo
Saddex meelood labo meel miisaaniyada waxa ay ka timaadaa taageero dibadda ah. Miisaaniyadaasi waxa ay u qoondaysay ciidamada qaranka aduun lacageed dhan 113 milyan oo dollar.
Warbixinta Heritage soo oo baxdey Talaadadii shalay ahayd ayaa lagu yiri: "Illaa hadda, maamulada Soomaaliya kaligood ma awoodaan inay awoodaan ciidanka ay rabaan".
Warbixinta ayaa lagu caddeeyay in howlgallada ciidan ee socda ay muujinayaan laba dal-dalool oo waaweyn oo dhanka awoodda ah oo soo wajaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA).
Karti la'aan culus
Waxa ay sheegtay in ciidamada ay la kulmeen dhibaatooyin badan oo sanadadii lasoo dhaafay ka soo gaaray walxaha qarxa, qalab la’aan iyo gawaarida gaashaaman, iyo in ay yar yihiin kooxaha ka hortaga walxaha qarxa.
Cutubyada Soomaaliya ee uu Maraykanku tababaray ee loo yaqaan Danab (Light) iyo Turkiga oo loo yaqaan Gorgor (Eagle) ayay tibaaxdey in ay hadda yihiin “kuwa si macquul ah oo aad u qalabaysan".
Hase ahaatee, cutubyada ciidamada ee caadiga ah ayay caddeysay in ay ku yar yihiin agabka ayna taageero ka helayaan macawiisleyda iyo dadka degaanka oo isku-dhinac ah.
Tababar xumo
"Sinaan la'aan ayaa kamid ah waxyaabaha daldalooda ah ee soo ifbaxaya," ayay hoosta ka xariiqdey. "Caqabadaha kale waxaa kamid ah in aysan jirin ciidamo wareega iyo kuwa meel gooni ah jooji kara".
Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in awoodda ciidamada ay saameyn ku yeelatay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya muddo tobanaan sano ah ayna Qaramada Midoobay iyo dhinacyada kale ee ay quseyso kala hadleen arrinkan.
Khubarada dhanka amniga iyo sirdoonka ayaa sheegaya in hay’adaha dowladda sida booliiska, nabadsugidda iyo ciidamada qalabka ay kaalin ka cayaaraan xasilinta deegaannada lagala wareegay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.
GAROWE ONLINE