Saddex su'aallo oo ku wareegsan howlgalka cusub AU-da ee Soomaaliya

Image
Midowga Afrika waxay kaloo codsadeen in qalab iyo hub culus la siiyo ciidamada cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Masar iyo Jabuuti ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamo keensadaan Soomaaliya, sidaas waxaa lagu caddeeyay war murtiyeed kasoo baxay Kulankii 1225-aad ee Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika. 

Waxay qeyb ka noqon doonaan hawlgalka cusub ee AUSSOM, kaasoo bedeli doona ATMIS. Wuxuu bilaaban doonaa Jannaayo 2025.

Sida ku qoran war saxaafadeedka, Jabuuti waxay soo waddaa boolis ka hawlgala Muqdisho. Waddamo kale ayaa sidoo kale laga codsaday inay keenaan boolis suga amaanka Xamar.

Hadda ogow, booliskii joogay Xamar waxay noqdeen kuwo aan la aamini karin waana taas sababta keeneysa in boolis shisheeye la soo daabulo.

Itoobiya, Uganda iyo Kenya ayaa iyaguna raba inay ciidamadooda ku darsadaan mashruucan cusub oo aan weli lacag loo helin.

Lacag maloo haayaa AUSSOM?

Afrikaanka waa shiid. Sidaa darteed bisha Sebtembar 2024 ayaa codsi la horgeyn doonaa UN, EU iyo USA si looga codsado lacagta hawlgalka AUSSOM.

MEEQO SANO AYAY AUSSOM joogi doonan?

Midowga AFrika ayaa soo jeediyay in muddo 5 sano la siiyo AUSSOM si ay Soomaaliya uga hawlgalaan. Waxaase dhici karta in markasta lasii kordhiyo. 

MAXAA KU CUSUB AUSSOM?

Hawlgalka cusub waxaa uu ka koobnaan doonaa ciidan militari iyo boolis ah, waxaana sidoo kale jiri doona qeyb sirdoon oo ka garab shaqeyneysa. 

Midowga Afrika waxay kaloo codsadeen in qalab iyo hub culus la siiyo ciidamada cusub si looga gaashaanto "guuldarrooyinkii" ku dhacay ATMIS.


AFEEF: Aragtida qoraalkan waxay gaar u tahay qofka ku saxiixan kama turjumeyso siyaasadda guud ee warsidaha Garowe Online

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM