Sagaal qof isku-qoys ah oo lagu dilay qaraxyo mataano ah

Image
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeysay falkan.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Qoys ka kooban sagaal qof ayaa ku dhintay laba qarax ismiidaamin loo adeegsaday baabuur oo ka dhacay bartamaha gobolka Hiiraan ee Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Maxaas, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo goobjoogeyaal.

Ku dhowaad 26 ruux qof oo kale ayaa sidoo kale ku nafwaayay weerarkaas, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee deegaanka.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeysay falkan. Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa caddeeyay in la beegsaday gurigiisa iyo hoyga xildhibaan Jacfar oo ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Dhanka kale qaraxa labaad ayaa lala beegsaday suuqa mashquul badan oo ku dhow aag ay dad shacab ah degan yihiin, sida uu BBC-da u sheegay duqa degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane.

Qaraxyada oo ahaa kuwa aad u xoogan ayaa dad goob joogayaal ah waxa ay sheegeen in dad ka durugsan goobaha uu qaraxu ka dhacay ay ku dhaawacmeen ayna burburiyeen guriyo la dagan yahay.

"Kani wuxuu ahaa weerar aad u xun," ayuu yiri goobjooge Aadan Xasan oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, isagoo sharraxayay maydadka uu ku arkay goobta ay wax  dhaceen.

Al-Shabaab ayaa dhul badan luminaysay bilihii ugu dambeeyay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ballan qaaday “dagaal guud” oo ka dhan ah maleyshiyadda bishii Ogosto.

Ku dhawaaqida dagaalkaas saddex geesoodka ah ayaa timid kadib weerarkii lagu qaaday hotelka caanka ah ee Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.

Labo bilood ka dib, qaraxyo mataano ahaa oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay meel u dhow isgoyska Soobe ee mashquulka badan halkaasoo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 100 qof.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi kadib waxa uu isku-dabariday ciidamada iyo maleeshiyo beeleedyo ay dowladdu taageerto kuwaasoo tuulooyin iyo magaalooyin kala wareegay Al-Shabaab.

Inkastoo laga qabsaday dhul, Al-Shabaab ayaa weli sii waday weerarada ay ka geysanayaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Mareykanka ayaa labadaba loo qoondeeyay in ay ka caawiyaan Soomaaliya ciribtirka mitidiintan xagjirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM