Shaqsiga caanka ah ee aan iibsan waxyaabaha qaaliga ah
ROMA, Italy – Khabane Lame ayaa waqti xaadirkan wuxuu yahay shaqsiga ugu caansan barta bulshada ku kulanto ee TikTok-ga. Balse, sirta ka dambeysa waa mid cajiib ah. Sidoo kale. 21-sano jirkan u dhashay Senegal balse ku nool Talyaaniga ayaa darajadan helay isagoo aan hale ray dhihin.
Lame oo app-kan Shiinuhu leeyahay ku leh taageereyaal dhan 114 milyan ayaa kaliya waxaa ka horeeya Charli D'Amelio, oo ah fanaan u dhashay Mareykanka. Balse, waxay ku kala duwan yihiin fariimaha ay baahiyaan.
Da'yar Lame oo muuqaaladiisa dhan ay hal nooc yihiin ayaa kaliya wuxuu muujiyaa astaamo taasoo ka duwan dhamaan muuqaal kasta oo lagu baahiyo App-kan oo ah kuwa u badan qoob-ka-cayaar iyo majaajilo.
"Waxaan la imid fikraddan sababta oo ah waxaan arkayay fiidiyowyadan oo wareegaya, waxaana jeclaaday fikradda ah inaan keeno waxoogaa fudud," ayuu Lame u sheegay CNN. "Nooca tilmaamku wuxuu ku yimid si kadis ah, laakiin aamusnaanta ma aysan dhicin. Waxaan ku fikiray hab aan ku gaari karo dad badan intii suurtogal ah".
Shirkadaha sameeya xayeysiiska oo aad u ammaanay qaab gudbinta fariimaha ee Lame ayaa ku sifeeyay nooca xiriirka ee ku saleysan tilmaamaha. "Uma baahnid inaad hadasho si laguu arko ama loo fahmo," ayay tiri Christina Ferraz, oo ah aasaasaha hay'adda suuq-geynta ee Thirty6five oo fadhigeedu yahay Houston. "Xanaaqiisa waa mid la soo celin karo, dareenkuna waa mid caalami ah".
Xirfadiisa baa u furtey albaabo caalami ah
Sanadkii lasoo dhaafay markii uu dilaacay safmareenka Coronavirus, Lame waxaa laga soo eryay shirkad uu ka shaqeynaayey oo ku taala magaalada waqoyga Talyaaniga ku taala ee Turin. Tani waxay ku qasabtey in uu muddo bilooyin ah la qaato qoysaskiisa oo qaxooti ah.
Balse, maalin maalmaha kadib ah isaga oo guriga jooga ayuu soo rogtey app-ka TikTok. Maalintaas waxay u ahayd bar-bilowga noloshiisa cusub ee u furtey albaabo caalami ah iyo in ay xiriirkiisa goobaan shirkaddo waaweyn.
Lame oo Netflix, Netflix, shirkadda cuntada Talyaaniga ee Barilla iyo madasha isboortiga khiyaaliga ah Dream11 ayaa noqdey qofka loogu booqashadda badan yahay bartiisa iyadda maalintii ay ku kordheen 200-kun qof cusub.
Maalqabeenkan wuxuu diiday inuu shaaciyo inta lacag ee uu ka helo shirkadaha, in kasta oo xiddigaha baraha bulshadda bulshada ugu weyn ay malaayiin doollar sannadkii ka heli karaan waxyaabaha ay xayeysiiyaan.
Sida laga soo xigtey sheegashadiisa, waxa ugu weyn ee uu iibsadey tan iyo markii uu caan noqdey waa iPhone 12 si uu u toogto fiidiyowyo ka fiican. "Kama helo in aan soo iibsado waxyaabo qaali ah," ayuu intaas raaciyey. Wuxuu tan iyo yaraantiis ku daysadaa jilaaga reer Mareykan ee Will Smith.
GAROWE ONLINE