Xeelada uu adeegsadey tuuggii dhiiranaa ee 52-sano la goobayey

Image
Ted Conrad ayaa lacag hadda u dhiganta 1.7 milyan doolar-ka Mareykanka 1969-kii dhacay bangi uu shaqaale ka ahaa.

WASHINGTON, USA – Nin baxsad ah oo ka dambeeyay mid kamid ah weeraradii ugu xumaa ee lagu dhaco Bankiyada Mareykanka ayaa la qoonsadey kadib 52-sano oo la baadigoobayey, sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan ciidanka maxaliga ah.

Ted Conrad ayaa Society National Bank oo ku yaala magaalada Cleveland ee gobolka Ohio wuxuu u qaabilsanaa qaabilaada macaamiilka waqtigii uu fal-dambiyeedkaas geysanayey oo ah bishii July ee sanadkii 1969.

Sida ay sheegeen baareyaasha, Conrad ayaa qaatay $215-kun doolarka Mareykanka ah taasoo waqti xaadirkan u dhiganta 1.7 milyan doolar-ka Mareykanka. Sidoo kale, waxay rumeysan yihiin in tan iyo waqtigaas uu is-qarinayey kuna jiray nolol aad u xishood badan.

Conrad oo bishii May u dhintey kansarka dhuunta, ayaa 20-jir ahaa xilligii uu dhacaas geysanayey.  Waxaa lagu waramay in uu ka faa’iideystay habaca Bangiga kuna qaatay lacagta warqad midabka bunniga ah maalin Jimce ah oo mashquul badan jiray.

Isla waqtigii shaqaalaha kale ee bangiga ay ogaadeen in lacagta ay maqan tahay, Conrad ayaa la sheegay in la waayey. Tan iyo waqtigaas, wuxuu ahaa qof la ugaarsanayey. Wuxuu kasoo muuqdey barnaamijka shaqsiyaadka loogu doon-doonista badan yahay.

Sida laga soo xigtay boolisa, Conrad ayaa lagu eedeeyay inuu saaxiibadiisa u sheegay qorshihiisa uu ku dhacayo bangiga, wuxuuna ku faanay sida ay u fududahay in la sameeyo. Waxa la sheegay in uu daawadey filimka The Thomas Crown Affair dhowr jeer.

Tuuggii dhiiranaa?

Baareyaasha ayaa intaas ku daray in markii la waayay Conrad uu magaciisa u bedelay Thomas Randele una cararay Washington DC iyo Los Angeles, ka hor inta uusan ugu dambeyntii degin xaafad ku taal Boston oo 1,000km u jirta (621 mayl) bangiga uu dhacay.

Dacwad-oogeyaasha ayaa hoosta ka xariiqay in markii dambe uu ku noolaa nolol xasilloon oo aan laga fiirsan. New York Times ayaa warisay in 40-kii sano ee la soo dhaafay uu ka shaqeynayey xirfadle Golf-ka iyo iibinta baabuurta.

Marshal Peter Elliott wuxuu ahaa mid ka mid ah baarayaasha hormoodka ah ee kiiska. Wuxuu ka dhaxlay aabbihiis Yooxanaa, oo ku mashquulay inuu ogaado waxa ku dhacay tuuggii dhiirranaa.

"Aabahay waligiis ma joojin raadinta Conrad, wuxuuna had iyo jeer doonayay in la xidho ilaa dhimashadiisa 2020," Mr Elliott ayaa yiri, sida ay kasoo xigatay warbaahinta Mareykanka.

Wuxuu ku daray hadalkiisa: "Waxaan rajeynayaa in aabbahay uu si fudud u nasanayo maanta isagoo og baaritaankiisa iyo shaqadda uu u qabtey taliska ciidamadda dambiyadda culus waxay kashiftey sirtan tobanaanka sano daaha gadaashiisa ku jirtay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM