Sheekooyinka ku xeeran abaarta ee daaha gadaashiisa ku jira

Image
Qisada bogaga hore ee wargaysyada adduunka waxaa asbuucii hore qabsaday dadka aragga la’ ee abaarta kasoo qaxay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa laga yaabaa in aad marar badan ay dhegahaaga kusoo dhaceen wararka ku saabsan abaaraha, tirakoobyada dadka barakacay iyo baaxadda dhibaatada, haddana aad gaartay heer aad la qabsatay oo ay kuu tahay ‘war la qabo xiiso ma leh’.

Balse haddii aad hoos usii dhugato, ma jirto maalin wax ku yaab galiya aysan kasoo kordhin arrimaha abaaraha Soomaaliya, sheeko kastana waa ay ka darantahay tan kale, keliya warbaahinta Soomaalida ayaanan si hal abuurnimo leh uga waramin abaarta.

Si taasi ka duwan, warbaahinta caalamka ayaa si joogto ah u tabinaysay arrimaha abaaraha, iyada oo wariyeyaal iyo sawir qaadayaal u direysay xerooyinka loo barokacay, inkasta oo inta badan ay la socdeen wafuudda caalamiga ah ee halkaasi booqanaya, fursadaas oo aysan inta badan helin warbaahinta gudaha oo la daalaa dhacaysa duruufo u gaar ah.

Meelaha diiradda warbaahinta caalamka saarantahay waxaa ka mid ah magaalada Dooloow oo maalin kasta ay sii kordhayaan dadka abaaraha kasoo qaxaya ee galaya halkaasi.

Sheekadii ugu weynayd todobaadkan ee bogaga hore ee wargaysyada adduunka qabsaday waxa ay ahaayeen dadka aragga la’ ee abaarta kasoo qaxay, waxaana si gaar ah loosoo qaatay labo nin oo saaxiibbo ah oo labaduba ay aragga la’yihiin, kuwaas oo ku kulmaya xeryaha Dooloow.

Ma ahan dad shaqaysan kara, waxaana usii dheer abaartii oo la tagtay wixii ay haysteen, hadda waxa keliya ee rejo ah oo ay haystaan ayaa ah saaxiibtinimadooda oo marka ay isu yimaadaan aad u sheekaystaan.

Dadka xeryaha soo galaya ayaa ka sheekeynaya qisooyin argagax leh oo ku saabsan waxyaabihii ka qabsaday deegaanada Alshabaab ay maamusho. Waxa ay sheegeen in canshuurta Alshabaab ay gaartay 50% beeraha iyo xoolahaba, iyaga oo aanan inaba dan ka lahayn dadka ay abaartu hayso.

Waxa kale oo ay sheegeen in magaalooyin iyo tuulooyin dhan dadkii degenaa ee naftooda lasoo qixi lahaa la hos istaagay, kuwa isku dayana in ay soo qaxaana la ciqaabo.

Waxyaabaha xanuunkabadan ee ay wakaaladda wararka ee AP tabisay maanta waxaa ka mid ah ilmo yar oo si dhuumasho ah ku gashay xarun waxbarasho oo quudin ay ka jirtay, si ay u hesho wax ay cunto. Magaalada Dooloow ayaa noqonaysa udub dhexaadka abaarta, iyada oo magaalada ay joogaan hay’adaha gargaarka ee ugu badan maadaamaa ay si nabad ah ku joogi karaan shaqaalaha samofalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM