Shirka Culumada: Al-Shabaab waxay u shaqaysaa dowlado ajnabi

Image
Mid kamid ah wadaada ka hadashay kulankan ayaa soo bandhigay xog ku saabsan eedeyntan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalinkii saddexaad ayuu galay shirka culumada Soomaaliyeed oo ah kii ugu balaarnaa ee la qabto, waxaana socda hadal jeedinta culumo ka kala timid daafaha adduunka.

Qaar kamid ah wadaadada oo ay martiqaadey dowladda federaalkaa h ee Soomaaliya ayaa daraasado xeeldheer ku sameeyay ururka Al-Shabaab, kana haya xogo badan.

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah culumada qurbaha ka timid oo muxaarado ka jeediyay shirka ayaa sheegey in muddo badan oo uu tixraacayay arrimaha Al-Shabaab kadib ay usoo baxday in ururkani ay u shaqeeyaan ama ka shaqeeyaan ajandayaal dowlado shisheeye.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in marka kaliya ee uu hadlay hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye ay ahayd maalin ka hor afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga, hadalkaasina uu ku weeraray dowladda Turkiga una hanjabay in ay tallaabo ka qaado doonaan. Wuxuu sheegay in hadalkaasi maalin kadib la isku dayay in la afgambiyo dowladda Turkiga.

Sheekh Xasan ayaa intaasi ku daray in maalin kadib afgambigii Turkiga uu qof sameeyay ficil uu isugu qarxiyay diyaaradda Daallo, weerarkaasi oo markii hore ku talogalka ahaa diyaaradda Turkish Airlines sida dib ka caddaatay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu tibaaxay in Al-Shabaab "ay badeecadda Turkiga ka timaada ka dajiyaan gaadiidka xamuulka kadibna gubaan, iyaga oo aanan waxbo u dhimin badeecooyinka dalalka kale ka yimaada".

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayuu sheegay in ay si joogto ah u weeraraan Injineerada dhisa waddooyinka laamiga ah iyo shaqaalaha kale ee Turkiga ka socda.

"Waan naqaanaa cidda Turkiga la dagaashan ee cadawga u aragta, marka Al-Shabaab sow lama oran karo waxa ay u adeegtaa dowladahaasi," ayuu xusay isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Waxyaabaha kale ee uu xusey ayaa ka mid ah in warbaahinta Al-Shabaab uu fadhigooda muddo dheer ahaa dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, taas oo uu ku tilmaamay wax lala yaabo. GO ma caddeyn karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM