Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo wajahaya ila-meereyso

Image
Kulankan ayaa dib-uga-dhacay in uu qabsoomo Janaayo 5, 2022 oo ku beegan Khamiista maanta ah.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa Dec 17, 2022 waxay ku heshiiyeen in shir dib-u-heshiisiin uu magaaladda Baydhabo ka dhaco January 5, 2023.

Kadib 19 maalmood oo dadaalo iyo wadahadalo ay socdeen, shirkan ayaa qabsoomi waayay waqtigii loo muddeeyay oo ku beegan Khamiista maanta ah. Ma jirto cid ka tirsan labada dhinac oo ka hadlay.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijinayaan illo wareedyo lagu kalsoon yahay, dib-u-dhacan ayaa salka ku haya kala shaki, isu-tanaasul la’aan iyo daacad-darro. Warar kale waxay xusayaan in ay jirto gacan-saddexaad oo ka shaqeynaysa burburka kulankan.

Baajinta safarka Turkiga

Sidda ay ku warameen dad xog-ogaal ah, Laftagareen ayaa todobaadkan qorsheeyay in uu u socdaalo Turkiga sababo uu mugdi badan ku jiro. "Hase ahaatee, cadaadis uga yimid Villa Soomaaliya ayaa baajisay socdaalkaas," ayay xaqiijiyeen xubno ku dhow labada dhinac.

Shaqsiyaadkan oo codsadey in magacyadooda aan la xigan sababo ku aadan in loo ogolayn ka hadalka qadiyadan ayaa rajo fiican ka muujiyey in wadahadalka uu qabsoomo maalmaha soo aadan. Hase ahaatee, ma jirto waqti kale oo la isla-ogyahay oo illaa hada la mudeeyay.

"Laftagareen wuxuu qabsoomida kulankan u arkaa mid dhaawacaysa fursada u uku heli karo muddo kororsiga halka sano. Sidaas darteeda, waxaa laga soo sheegayaa cagajiid badan," ayay raaciyeen illo wareedyadda. Xafiiskiisa warfaafinta kama jawaabin eedan.

Is-mari-waaga ciidamada

Maadaama xiisadda ay gacan ka hadal isku rogtey, Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed ayaa codsadey in ay Muqdisho ka kaxaystaan ciidamo si gaar ah u suga ammaanka. Balse, waa qodob kale oo kamid ah arrimaha keenay dib-u-dhaca oo wali aan xal laga gaarin.

"Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu arkaa in uu malagiisa galay haddii uu musharaxiinta u ogolaado in ay kaxaystaan ciidamo gaar ah. Sidaas darteeda, wuxuu ku doodayaa in uu amnigooda isaga sugayo," ayay GO u xaqiijiyeen mas’uuliyiin si dhow ula socda shirkan.

In ka badan 10 ruux ayaa ku naf-wayaay iska-hor-imaad ka dhacay Baydhabo December 23, 2022. Musharax Madaxwayne Maxamed Aadan Farkeeti ayaa sheegay in ciidamo ka amar-qaata Laftagareen ay weerareen gurigiisa ayna ka qaateen agabkii u yaallay.

Ila-meereyso mise labin raadin?

Madaxda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta laga soo doorto Koonfur Galbeed ee ka tirsan Golaha Wasiiradda oo todobaadyo kahor ka shiray qadiyada muddo kororsiga Laftagareen ayaa isku-raacay "in ay noqon karto tusbax furmay haddii la aqbalo".

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa la isku-raacay in ay Baydhabo u tagaan daahfurka shirka dib-u-heshiisiinta kaasoo haatan ay ku hardamayaan siyaasiyiin wada ila-meereyso iyo qaar kale oo raadinaya labin.

Sikastaba ha ahaatee, qaabka dowladda federaalka u maareyso xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa loo arkaa mid ay ka tusaale qaadan doona madaxda dowlad goboleedyada kale kuwaasoo qeybtood horey u sameystay ku darsi hal sano ah si xukunka usii joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM