Shirka Laascaanood: Laba qodob oo ergada weli isla cag helin
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Laascaanood ka socda shirka aayo-ka-tashiga Sool iyo Sanaag, waxaana jirta in aan isku aragti laga ahayn waxyaabaha la samaynayo, sidda ay wararku sheegayaan.
Qadiyadda kaliya ee la og-yahay in dhinacyadda ay ka wada simanyihiin ayaa lagu tilmaamay aragtida midnimada Soomaaliya iyo diidmada mashruuca gooni u goosadka ee Somaliland.
Go’aan kasta oo kasoo baxa shirka waxa uu u baahanyahay fulin, fulintaasina waa in uu yeeshaa maamul, xitaa haddii uu kumeelgaar yahay, haddii kale go’aanada waxa ay noqonayaan afka baarkiis, dareenka shacabka ee hadda taagana masii jiri doono.
Maamul sameynta
Warbixinadda illaa haatan soo baxaya waxay muujinayaan in ergada aysan weli isla cag helin sidii loo samayn lahaa maamul, iyada oo dadka qaar ay qabaan in dib loo dhigo hawsha maamul u samaynta.
Wararka ayaa sheegaya in garaadka guud, Garaad Jaamac uu soo dabciyay go’aanadiisii adkaa, taladana uu dhexda dhigey, taasi oo sahashay in loo miiska lasoo saaro dano kala duwan.
Shacabka waxa ay weli ku dhegenyihiin magaca Maamulka Khaatumo oo inta sanado hore la dhisay balse socon waayay. Waxa ay wataan calamadiisa oo ay meel kasta ku dhegsadeen, wuxuuna u samaysnaa sida dowlad goboleed ka tirsan tan federaalka oo leh dastuur iyo dhawr madaxweyne oo xilkooda meerto yahay.
Khaatumo State?
Xiligaasi Khaatumo waxaa laga barbar dhisay maamulka Maakhir oo bulshadii dhisatay hadda ay ka maqanyihiin shirka Laascaanood, lagana yaabo in ay hadda tahay sababta ay ku timid fikradda in maamul samaynta dib loogu dhigo wada tashi iyo shirar intan ka balaaran.
Fikradda in maamul loo sameeyo Sool iyo Sanaag ayaa xitaa taageero ka heshey mas’uuliyiin sarsare oo hadda xilal ka haya Puntland, sida wararku xusayaan, balse weli ma cadda halka ay ku biyo shuban doonto.
Waxaa Laascaanood ku sugan boqolaal ciidamo maleyshiyaad ah, kuwaas oo qaarkood ka tirsanaa Somaliland, qaarna iskood u madax banaanaa, qaarna ka tirsanaa maamulkii Cali Khaliif Galayr ee Khaatumo oo muddo dheer duurka ku jirey.
Abaabulka ciidanka
Ciidankaasi ma lahan hal hoggaan oo mideysan, iyo cid ay ka amar qaataan oo gaar ah. Waxaa intaasi dheer in Somaliland ay waddo abaabul ciidan oo ka dhan ah Laascaanood, taas oo garaadada ka qeybgalaya shirka ay dareemayaan in ay jirto baahi xoog leh oo loo qabo in ciidan mideysan la abaabulo.
Waxa ay garaadada ku baaqeen in ciidamada Somaliland ay ka wada baxaan dhulka Sool iyo Sanaag, waxayse xaaladda kasii dari doontaa marka uu go’aan weyn kasoo boxo shirka.
Somaliland ayaa la filayaa in ay isku dayi doonto in ay ka hortagto sida la saadaalinayo. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sida loo kala hormarinayo labadan qodob ee shirka lagu qorfeynayo balse wali la go'aamin.
GAROWE ONLINE