Shirkad qiratay in baad siisey ISIL oo lagu ganaaxay $778 milyan

Image
Lafarge oo ka shaqeysa sameynta shamiitadda ayaa laga leeyahay waddanka Faransiiska.

PARIS, France - Shirkadda reer France ee sameysa shamiitada ee Lafarge ayaa maxkamadda Mareykanka ka hor qirtay dambiga lagu soo oogay oo ahaa in ay maleegayeen in ay taageero maadi ah u fidiyaan argagixisadda.

Eedeynta ugu weyn ayaa ahayd in ay lacag siiyeen kooxda dowladda Islaamiga ah (IS) iyo kooxaha kale ee uu Mareykanku u aqoonsaday "argagixisada” si ay shirkaddu uga sii shaqeyso Suuriya.

Qiraalkan waa markii ugu horeysay tan iyo markii dacwadda lagu soo oogay. Heshiiska dambi qirashada ayaa wuxuu dhigayaa Lafarge ay bixineyso aduun lacageed dhan $778 milyan oo ganaax ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in laga soo bilaabo bishii Maajo 2010 ilaa Sebtembar 2014, Lafarge, iyada oo adeegsanaysa shirkaddeeda Lafarge Cement Syria ee hoos timaada kuna taal waqooyiga Suuriya ay macaashtey $680 milyan.

Kadib dagaalkii sokeeye ee qarxay sanadkii 2011-kii, waxaa guud ahaan dalka ka qarxay dagaal u dhaxeeya kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan iyo dowladda Suuriya, waxaana kooxda IS ay la wareegtay gacan ku heynta qeybo ka mid ah dalka Suuriya.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Lafarge iyo shirkaddeeda Suuriyaanka ah, Lafarge Cement Syria, ay kooxda IS iyo Nusra Front siiyeen qiyaastii $5.92 milyan intii u dhaxaysay 2013 iyo 2014 si ay ugu oggolaadaan shaqaalaha, macaamiisha, iyo alaab-qeybiyeyaasha inay maraan jidgooyooyinka xilli uu dalku ka socday dagaal sokeeye.

Lacagahaas ayaa horseeday in shirkaddu ay $70 milyan ka hesho dakhliga iibka ee warshad ay ka hawlgasho waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Lafarge ayaa ugu dambeyntii ka guurtey Suuriya Sebtembar 2014, sidda ku xusan warbixinta. Halkaa marka ay marayso, kooxda Daacish ayaa waxay la wareegtay sibidhkii hadhay, waxayna ku iibisay lacag u dhiganta $3.21 milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM