Shirkado loogu ganaaxay $1.8 bilyan fariimo lagu diray WhatsApp

Image
Fariimahan ayaa waxaa diray shaqaalaha shirkadahan laga bilaabo Janaayo 2018 ilaa Sebtembar 2021.

WASHINGTON, US - Qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn Wall Street ayaa lagu ganaaxay lacag dhan $1.8bn (£1.7bn) kadib markii shaqaalahooda ay heshiisyo iyo ganacsiyo uga hadleen isgaarsiintooda gaarka ah.

Guddiga Amniga iyo Sarrifka (SEC) ee hay'adaha dabagalka dhaqaalaha Mareykanka ayaa sheegay in baaritaanku uu daaha ka rogay "isgaarsiin ka baxsan kanaalka rasmiga ah".

Barclays, UBS iyo Goldman Sachs oo kamid ah shirkadaha waaweyn ee xarunta ganacsiga caalamka ee Wall Street ayaa ka mid ahaa 16-ka shirkadood ee ay magacaabeen maamulayaasha.

Dabagalka shirkadahan waaweyn waa kiis taariikhi weyn u noqon doona waajibaadka shaqo ee guddiga SEC iyo Komishanka Ganacsiga Mustaqbalka Badeecadaha (CFTC).

SEC ayaa qoraal ay soo saartey Talaadadii waxay ku dhawaaqday ganaax dhan $ 1.1bn, halka Guddiga Ganacsiga Mustaqbalka Badeecadaha uu sheegay inay soo rogeen $710m oo ganaax ah.

Laga bilaabo Janaayo 2018 ilaa Sebtembar 2021, shaqaalaha bangiyadu waxay si joogta ah ugu wadahadlaayeen arrimaha ganacsiga asxaabtooda, macaamiisha iyo la-taliyeyaasha kale ee saddexaad iyagoo isticmaalaya WhatsApp.

Shirkadaha ma aysan ilaalin inta badan wadasheekeysigaas, kuwaas oo ku xad-gudbay xeerarka federaalka ee looga baahan yahay dillaaliinta iyo hay'adaha kale ee maaliyadeed in ay dhowraan si loo badbaadiyo ganacsiyadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM