Qaabka aad uga badbaadi karto libaaxyada buuraha
WASHINGTON, USA - Haweeney ku nool gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa wiilkeeda shan jirka ah si geesinimo leh kaga badbaadisay weerar uu kusoo qaadey libaax duureed.
Wiilku ayaa wuxuu ku ciyaarayay bannaanka gurigooda oo ku yaala Calabasas ee buuraha Santa Monica galbeedka Los Angeles markii libaaxu ku soo booday.
Libaaxa wuxuu ilmaha u sii jiitay dhinaca cawska, hase ahaatee, hooyadii ayaa soo orodday oo ku garaacday libaaxa gacmaheeda oo maran ilaa ay ka dayso wiilkeeda.
Xayawaanka ayaa markii dambe la helay oo ay toogteen maamulka duurjoogta. Cunuga yar ayaa dhaawac ka soo gaaray madaxa iyo qeybo kamid ah jirkiisa.
Hadda wuxuu ku sugan yahay isbitaal ku yaal Los Angeles sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Associated Press oo wareystay xubno kamid ah qoyskiisa oo aysan magacaabin.
Capt Patrick Foy, oo ah afhayeenka waaxda kalluunka iyo duurjoogta ee California, ayaa AP u sheegay in hooyadu "gabi ahaanba badbaadisay nolosha wiilkeeda".
Kadib markii uu goobta yimid, sarkaal duurjoog ah ayaa helay libaaxa nooca buuraha caanka ka ah kaasoo jiifay kaynta isaga oo "dhegahiisii dib u cabaadeen", sida ay sheegtay waaxda.
Sarkaalka ayaa dilay libaaxa, isaga oo rumeysan in ay u badan tahay in uu ahaa dambiilaha "sababo la xiriira habdhaqankiisa iyo u dhawaanshaha weerarka".
Baadhitaan DNA ah ayaa markii dambe la xaqiijiyay in uu yahay xayawaanka weeraray ilmaha. Weerarada libaaxyada buuruhu aad bay ugu yar yihiin Waqooyiga Ameerika.
Saraakiisha ayaa xusay in xayawaanka ku lugta lahaa uu ahaa mid da' yar. Khubaradu waxay tibaxeen inaan wali la baran sida loo ugaarsado ama la isaga ilaaliyo, sida ay sheegtay CBS News.
GAROWE ONLINE