Sida uu u shaqeeyo xafiiska dhaqaale uruurinta ISIL-Somalia

Image
Sirdoonka Mareykanka iyo reer galbeedka ayaa si dhow ula socdey xafiiskan sanadihii lasoo dhaafay.

WASHINGTON, USA - Garabka ISIL ee Soomaaliya waxaa ka mid ah xafiis goboleed lagu magacaabo Al Karrar, kaas oo ka shaqeeya isku xirka howlgalada maleyshiyada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Mozambique, South Africa iyo shabakado kale, sidda ay ku warantey majaladda New York Times.

Sida ku xusan warbixinta, xafiiska oo ay si lamid ah hoos-yimaadaan dhigooda Galbeedka Afrika, Koonfurta Aasiya, Suuriya iyo meelo kale, wuxuu kormeeraa hawlgallada dhaqaale-ururinta oo badankooda kasoo xarooda baadda iyo fal-dambiyeedyada ka dhaca Soomaaliya iyo Koonfur Afrika gaar ahaan xatooyada iyo afduubka.

Balse, sirdoonka Maraykanka iyo kuwa kale ee reer galbeedka ayaa sanadkii la soo dhaafay ogaaday in uu sii kordhayo xiriirka ka dhexeeya Al Karrar iyo garabka ISIS-Khorasan ee Afgaanistaan.

Kaalinta Al-Suudaani 

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii July ee la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in Al Karrar ay fududeysay in lacagaha loo diro Afgaanistaan ​​ayna fududeeyaan unugyo ku sugan Yemen, Kenya iyo Britain.

Qormadda Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa lagu caddeeyay in ISIS Khorasan "ay u isticmaasho lacagahan soo iibsiga hubka iyo bixinta mushaaraadka dagaalyahanada".

Kahor inta aan la dilin bishii hore, Bilaal Al-Suudaani oo ka tirsanaa ISIL-Somalia waxaa loo malaynayay inuu door muhiim ah ka ciyaaro, ama xitaa toos ah u maamulo xafiiska Al Karrar, sidda ay saraakiishu sheegeen.

Caddeymo tusaale ah

Heather Nicell, falanqeeye ka tirsan Janes, oo ah shirkad sirdoon oo fadhigeedu yahay London ayaa tiri; "Waxaa jira caddeymo muujinaya in [Bilaal Al-Suudaani] uu xariga ka soo jiiday Bariga Afrika".

Hawlgal gaarka ah oo 25-kii Jannaayo, 2023 ka dhacay god buuraley ah kuna yaalla gobollada Puntland ee waqooyiga Soomaaliya ayaa lagu dilay Al-Suudaani kadib bilo uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Ciidamada Kumaandooska Mareykanka ayaa loo diyaariyay in ay qabtaan Al-Suudaani, balse isaga iyo 10 kale oo Suudaani ah ayaa lagu dilay dagaal ka dib markii ay iska caabiyeen.

Khaarijin ama qabasho

Sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare, madaxwayne Joe Biden ayaa bixiyey amarka lagu khaarijiyey ama lagu soo xiro Al-Suudaani taasoo muujineysa sidda uu muhiim u ahaa Ameerikaanka.

Al-Suudaani ayaa horey uga mid ahaa Al-Shabaab, garabka shabakadda Al-Qaacida ee Soomaaliya. Walaalkiisa ayaa sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in uu kamid yahay isla Daacish.

Markii ugu dambeysay oo howlgal noocaan oo kale ah ay sameeyaan ciidamadda Mareykanka ayaa ahayd bishii Maajo 2015 xilligaasoo askarta Kumaandooska Delta ay galeen Suuriya iyagoo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Black Hawk iyo V-22 Ospreys oo ka yimid Ciraaq ayna dileen Abu Sayyaf, amiirkii gaaska ee Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM