Sidee Soomaaliya loogu yeeshay in ka badan $5 bilyan deyn ah?
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga cafiyay in ka badan $5 bilyan deyn ah oo looga lahaa caalamka.
Guushan ayaa ka dhalatay dadaal soo bilowday 2012-kii ayna kasoo shaqeeyeen xukuumadihii mudadaas soo maray dalka.
Mareykanka oo kaliya ayaa Soomaaliya ku lahaa lacag dhan $1 bilyan; wuxuuna ahaa dalka ugu badan.
Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa kaalmaha xiga soo galaya wallow ay dhamaan ku midoobeen Paris Club.
Sidee ku timid deyntan?
Nidaamka madaxwayne Maxamed Siyaad Bare ayaa qaatay lacagtan intii u dhaxeysay 1980-kii ilaa 1990-kii.
Qiyaastii $70 milyan oo doolar ayey lacagtaas ahayd 1970-kii halka 2011-kiina ay ahayd $1.6 bilyan oo doolar.
Xukuumadii Siyaad Barre ayaa la sheegay in deyntan ay u adeegsatay maashaariic qaarkood la tirtiray raadkooda.
Khuburada dhaqaalaha ayaa rumeysan in badi lacagtan ay ku timid dulsaar soo socday 40-kii sano u dambeeyay.
Maxaa xiga deyn-cafiska?
Maalgashi iyo xiriir toos ah oo Soomaaliya la yeelato hay’adaha lacagta aduunka waa albaabka furmaya.
Balse, waxaa maareyn u baahan mar-xalada xigta oo dowladda qorsheyneyso in ay qaadato deyn horleh.
Deyntaas oo ka badnaan doonta intii horey ayaa lahaan doonto dulsaar badan lamina ogga sida loo adeegsanayo.
Sikastaba, su’aasha is-waydiinta leh waa Soomaaliya maka badbaadi kartaa deyn kale oo sanado qaadato bixinteeda?
GAROWE ONLINE