Soomaali lagu helay dambi argagixiso oo ka badbaadey tarxiil
LONDON, Ingiriiska - Majaladda afka dheer Daily Mail ayaa soo bandhigtey liiska 53 nin kuwaas oo ay sheegtay in dambiyo argagixiso lagu helay balse ku guuleystay in ay ka badbaadaan tarxiil ama musaafuris.
Warbixintan baaritaankan oo laga soo xigtey illo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka boqortooyadda ayaa waxaa kasoo muuqdey nin qof oo Soomaali ah kuwaasoo haatan ku nool Britain.
Labadan ruux ee Sooamalida ah ayaa lagu kala magacaabaa Ismaaciil Cabdiraxmaan iyo Wahbi Maxamed. Fal-dambiyeedyo dhacay in ka badan laba sano kahor ayaa lagu waramay in ay ku lug-lahaayeen.
Sharciyada xuquuqda aadanaha ee qaaradda Yurub ayaa badbaadiyey shaqsiyaadka ay ku jiraan labaddan wiil Soomaaliga ah kaasoo haatan meesha ka baxay maadaama Uk ay ka baxdey Midowga Yurub.
Ismaaciil Cabdiraxmaan ayaa la sheegay in uu gacan ka geystay qaraxyadii 21/7. Waxaa lagu xukumay toban sano xarig ah 2008-dii. Balse waxaa laga dhigay sideed ka gadaal markii uu racfaan qaatay.
Eeda ugu weyn ee loo jeediyey ayaa ah in uu caawiyay dambiilaha iyo afar dacwadood oo ah in uu hayo macluumaad argagixiso hase ahaatee uusan la wadaagin hay'adaha nabad-gelyadda.
"Waxa uu ku guulaystey in uu ku doodo in lagu xad-gudbi karo xuquuqdiisa bini’aadannimada haddii dib loogu celiyo Soomaaliya," ayay Jariiradda ku tiri warbixintan la daabacay Axada maanta ah.
Wahbi Mohammed ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu gacan ka geysatay qorsheynta qaraxyadii dhicisoobay ee July 21, 2005 lagu fashiliyey gudaha magaala madaxda London.
Sidoo kale, waxaa lala xiriiriyey in uu qeyb ka ahaa ama door ka qaatay isku day lagu doonayay in lagu soo celceliyo weerarradii bam ee 7/7 ee lagu dilay 52 ruux laba toddobaad ka hor.
Eedeysanaha ayaa lagu xukumay 17 sano, balse laga dhigay 13-sano kadib racfaan. "Lama musaafurin karo waayo wuxuu ku dooday in laga yaabo in uu kula kulmo tacadiyo ka baxsan bini’aadantinimada," ayay xustey.
Ingiriiska ayaa kamid ah wadamadda ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan qaaradda Yurub. Tirokoobka la sameeyay ayaa wuxuu muujinayaan in ay degan yihiin 500,000 qurba-joog Soomaali ah una badan qoysas.
GAROWE ONLINE