Soomaaliya: Howlgalkii bini'aadanimo ee colaada isku badalay
MUQDISHO, Soomaaliya - Soddon sano kaamil ah ayaa waxay kasoo wareegatay kadib markii howlgal ujeedadiisu ahayd wax ka qabashada macluul la degtay Soomaaliya uu isku badalay dagaal uu dhiig ku daatay.
Ujeedada howlgalka Mareykanka ee "Restore Hope" oo bilowday 5 December 1992 ayaa la sheegay in ay ahayd in la diyaariyo xaalad dalka lagu soo gaarsiin karay gargaar bini'aadanimo caalami ah.
"Bilowgii howlgalka UNITAF waxaa Soomaaliya u yimid wadamo uu Mareykanku horkacayo si ay gargaar bini’aadantinimo u gaarsiiyaan inta ay dadka oo la il-darnaa macaluul iyo colaado, balse markii ay la dagaalameen marxuum Jeneral Maxamed Faarax Ceydiid, xaaladu way is beddeshay," ayuu yiri Anwar Cabdifitaax Bashiir oo bare ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Anwar oo la hadlay Africa News ayaa hadalkiisa ku daray: "Ceydiid iyo xertiisana waxay bilaabeen inay iska caabiyaan". Muhiimadda iyo xusuusta munaasabadda ayaa wali ka guuxaysa maskaxda dad badan oo Soomaaliyeed.
"Dadka Caydiid taageersan waxay u haystaan (hawlgalka) kacdoon isbadal dhaliyey oo ay ku faani karaan, dhinaca kale, dadka qaar waxay u arki karaan inay tahay dhacdo taariikhi ah, markaa anigu waan ku raacsanahay waxay ahayd dhacdo taariikhi ah," ayuu xusay.
Dib-u-gurashadii ay sameeyeen wadamadii uu Maraykanku hogaaminayay ayaa dhabaha u xaarin nabad waarta taas badalkeeda waxay colaada u muuqataa mid wali illaa haatan taagan.
"Kadib markii dalalkii Maraykanku hogaaminayey ay dalka ka baxeen, waad garanaysaan colaadda iyo dagaal beeleedyo u dhaxeeya Soomaalida iyo weliba dhibaatooyinkii kale ayaa soo kordhay," ayuu tibaaxay.
Wuxuu xusay: "Bixitaanka ciidamadda Mareykanka ma aysan qabaajin colaadaha taas badalkeeda way sii kordhisay". Balse, falanqeeyaha waxa uusan si toos ah isula xiriirin bixitaanka iyo colaadaha.
Waxyaabaha kale ee ka dhashay hawlgalkii "Restore Hope" ayaa waxaa kamid ah filim Hollywood ah oo loogu magacdaray "Black Hawk Down" kaasoo lagu jilay magaala madaxda Muqdisho lana sii daayay sanadkii 2001-dii.
GAROWE ONLINE