Soomaaliya: Kanaalada Telegram ee Al-Shabaab oo "wali furan"
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay hawada ka saartay barahii warbaahinta iyo xiriirka ee Al-Shabaab sida kuwa ka furnaa barta Facebook, website-yo iyo aaladda Telegram-ka.
Telegram ayaa ugu saameyn badan kaasoo awood u leh in lagu soo gudbiyo muuqaalo daqiiqado intii la doono soconaya, islamarkaasna ay aad u sahlantahay in waqti kooban muuqaal hal saac ah lagu soo bandhigo.
Inkasta oo xukuumadda horey u sheegtay in ay xirtey kanaaladii kooxda uga furnaa bartan, maleyshiyada ayaa wali adeegsataa aaladan si aanan wax xayiraad ah lahayn kuna gudbiya dacaayadaheeda kala duwan.
Markii subixii Jimcaha uu dhacay weerarkii Galcad ee saraakiisha Danab ay ku dhinteen, Al-Shabaab ayaa waxa ay bar ay ku leedahay Telegram-ka ku leedahay soo dhigtay muuqaalo iyo sawirro la xiriira weerarka.
Intaas waxaa wehlisa, hadal-jeedin hanjabaad ah oo uu sameeyay afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere, ayaa kamid ahaa waxyaabaha ay soo bandhigeen.
Lama oga in dowladda ka warqabto kanaaladan, iyo sababta wax looga qaban waayay mar haddiiba amar kasoo baxay, saxafiyiinta madaxa banana ay dhibbane u yihiin amarkaasi.
Aaladan ayaa xitaa mardhow ka mid ahayd waxyaabihii lagu soo hadal qaaday dhagaysiga dacwad loo haysto guddoomiyaha ururka suxufiyiinta SJS Cabdalle Muumin.
Xaakimka maxkamadda iyo dacwad-oogaha matalaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saxafiga wax ka weeydiiyay cidda leh Aaladda Telegram iyo cidda adeegsata.
SJS ayaa walaac ka muujiyay amarka dowladda ee "jumlada ah ee warbaahinta lagu soo rogey, isaga oo sharaxay in aaladan ay wariyeyaasha u adeegsadaan in ay isugu gudbiyaan muuqaalada culus.
Ururkan u dooda xuquuqda saxafiyiinta ayaa sheegay in mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ay ku lug-leeyihiin maxkamadeynta Cabdalla sababo ku aadan "dagaal shaqsi ah iyo dano dhaqaaqale". Ma bixin fahfaahin.
GAROWE ONLINE