Soomaaliya: Mareykanka oo lala xiriiriyey olole qarsoodi ah
WASHINGTON, United States - Milatariga Mareykanka ayaa si toos ah ugu lug leh olole dacaayad faafin ah oo si qarsoodi ah uga socday baraha bulshadda, sidda ay shaaca ka dhigtey shirkadda Meta.
Soomaaliya ayaa, sidda ay muujinayaan macluumaadka, waxay kamid tahay wadamada ay ka howlgalaan shaqsiyaadka gacansaarka la leh ciidamada Ameerika ee faafin jiray dacaayadaha.
Sidda ay muujineyso warbixinta, fariimaha ay baahinayaan shaqsiyaadkan ayaa isugu jiray qaar lagu taageerayo Washington iyo xulafadeeda, laguna sumcad-dilayo Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan.
"Facebook-ga, 39 akoon, 16 page, iyo laba group ayaa hawada laga saarey, halka 26 akoon oo Instagram-ka ah la baabi'iyey sababo ku aadan in ay faafiyeen fariimo qaldan oo abaabulan," ayay ku dartey Meta.
Wadamada kale ee ay gaari jireen fariimaha kooxdan ayaa kala ah; Afghanistan, Algeria, Iran, Iraq, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Russia, Syria, Tajikistan, Uzbekistan iyo Yemen.
"Qaar ka mid ah kuwa taageera Mareykanka waxay iska dhigaan warbaahin madax-bannaan, qaarna waxay isku dayeen inay u gudbiyaan wararka ka imaanaya xarumaha sharciga ah, sida BBC News," ayay ku dartey xogta.
Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo ay soo xigatay BBC-da ayaa daaha ka rogtey in ay ka war qabto warbixinta iyo eedeymaha loogu jeediyey ayna ka baaraan-dageyso jawaabta ay ka bixineyso.
Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 500 askari kuwaasoo isugu jira tababareyaal gacan-siiya ciidamadda Soomaaliiya iyo saraakiil kale oo fuliya howlgaladda gaarka ah sidda duqeymaha cirka.
GAROWE ONLINE