Soomaaliya oo kumanaan askar kale tababar ugu dirtey Eritrea

Image
Sidda ay dowladda sheegtay, 6,000 askar kale ayaa bilooyinka soo aadan loo qaadayaa Itoobiya iyo Masar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysey waxay si rasmi ah u qiratay in kumanaan ciidamo kale dheeraad ah ay tababar ugu dirtey dalalka Eritrea iyo Uganda.

La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Cali oo Washington ugu waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in isku-darka 3,000 askar tababar loogu diray labadaas waddan.

Mr Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in wadar askari dhan 6,000 tababar loogu diri doono wadamadda dariska ah ee itoobiya iyo Masar bilooyinka nagu soo fool leh.

Shakiga soo ifbaxay

"Waxaan rabnaa inaan dhameystirno diyaarinta 15,000 oo askari sanadka 2023-ka,” ayuu Cali xusay xilli uu mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka uu kala hadlay taageero dheeraad ah oo ay siiyaan Soomaaliya.

Qorshaha tababarka ciidankan ayaa qeyb ka ah barnaamijka bixitaanka ciidamadda ATMIS oo xeerinaya in bisha December, 2024 ka helo 24-kun askar Soomaali ah si ay ula wareegaan mas'uuliyadda ammaanka.

Warbixin uu soo saaray Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda (HIPS) ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa lagu shaki geliyey in dowladda ay shuruudaas ku buuxin doonto mudada loo qabtey.

Dib-u-dhacii koowaad

"Jadwalkan waa mid hami weyn leh, sababtoo ah laamaha amniga Soomaaliya uma badna in ay si buuxda u madax bannaanaadaan waqtigaas, sidoo kale uma badna in Al-Shabaab laga adkaadO ciidan ahaan," ayay tiri HIPS.

Afyare Cilmi, agaasimaha fulinta ee HIPS iyo qoraaga warbixinta, ayaa yiri: "Waqtiga kama dambaysta ah iyo xaqiiqda ah in ciidanku ku jiro dagaal, isla markaana dib loo dhisayo… waxaan ku doodaynaa inay tahay waqti aad u yar".

Warbixintu waxay xustay in bishii November, ay dawladda Soomaaliya ka codsatay ATMIS in dib loo dhigto bixitaankii ugu horreysa ee 2,000 oo askari kuwaasoo hayaami lahaa Disembar 2022 ilaa 30-ka Juun 2023.

Bixtaanka ciidanka ATMIS

Lataliyaha ammaanka ayaa xaqiijiyey in dib-u-dhacaas uu ku yimid dalabka dowladda federaalka ayna sababta tahay maadaama ay dib-u-dhacdey soo laabashadda ciidamadda tababarka ku maqan.

Ciidamadda ATMIS ayaa ka howlgalaya Soomaaliya in ka badan tobban sano. Joogitaankooda waxay kamid tahay deymaha balaayiinka ah ee Soomaaliya lagu leeyahay. Bixitaankooda ayaa loo arkaa fursad ballaaran.

Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi ayaa ah wadamadda ciidamadda ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya. Marka laga soo tago dhaqaalaha ay ku helaan, haddana halista Al-Shabaab ayaa kusii kordhaysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM