Soomaaliya oo loo diiwaan-geliyey rikoor xun dhinaca gaajada ah

Image
Qiimeyntan ayaa laga sameeyay 20 waddan kuwaasoo 11 kamid ah ay ku yaallaan qaarada Afrika.

LONDON, United Kingdom - Soomaaliya ayaa noqon doonta sannadka 2023-ka dalka koowaad ee laga cabsi qabo in ay gaajo ka dilaacdo dunida, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxdey Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah.

Liiska waxaa kasoo muuqdey illaa 20 waddan kuwaasoo 11 kamid ah ay ku yaalaan qaaradda Afrika ayna ka jiraan dhibaatooyin bini'aadanimo oo ka dhashay abaarta iyo roob la'aanta afar fasal oo xiriir ah.

Hase ahaatee, taariikhda markii ugu horeysay, Soomaaliya ayaa kasoo muuqatay kaalinta koowaad sababo ku aadan in dalka uu qarka u saaran yahay macluul, sidda ku xusan warbixinta.

"Abaarihii labadii sano ee lasoo dhaafay, kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sare u kaca qiimaha cunnada adduunka ayaa sababay masiibo cunto yari ah oo hadda u dhimanayaan carruurta, waxaana lagu wadaa in ay ka sii darto," ayay warbixintu ku dartey.

David Miliband, oo ah madaxa IRC, ayaa sheegay in malaayiin Soomaali ah ay gaajaysan yihiin. "Dalalka qaniga ah waa in aysan sugin ilaa si rasmi ah loogu dhawaaqo macluusha," ayuu sii raaciyey.

Dowladda Soomaaliya, hay'adaha samafalka iyo Qaramada Midoobay ayaa raadinaya aduun lacageed dhan $1 bilyan si wax looga qabto xaalada bini'aadanimo ee Soomaaliya ay wajahayso.

"Kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab ayaa caqabad ku ah gargaarka bini'aadantinimo, waxaana sii kordhay dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo ciidamada dowladda dabayaaqada sanadka 2022-ka," ayay qormaddu xustey.

Soomaaliya ayaa sidoo kale waay ku jirtaa dalalka uu saameeyay duullaankii Ruushka ee Ukraine maadaama uu gabaabsi noqdey cuntada dibadda laga keeno gaar ahaan sahayda qamadiga ee laga keeno dowladahan dagaalamaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM