Soomaaliya oo taageero u goobaysa qaadida xayiraada hubka
NAIROBI, Kenya - Soomaaliya ayaa taageero horleh ku helaysa ololaheeda ku aaddan in cunaqabateynta hubka laga qaado kadib markii Itoobiya ay ku biirtay xilli Uganda ay horey u taageertay tallaabadaas.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in bisha November ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayiraadda, taasi oo ay Soomaaliya sheegtay in laga saaro si ay si wanaagsan ula dagaallamaan argagixisada Al-Shabaab.
Taageerada Itoobiya ayaa timid ka dib markii bishii July ay xoogaga hubeysan gudaha u galeen dalka Itoobiya, xilli ay Soomaaliya iyo xulafadeeda wadeen duulaan ballaaran oo ka dhan ah maleyshiyadaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in cunaqabateynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay laga qaado muddo saddex iyo toban sano ah, si Soomaaliya ay si wanagsan ula dagaalanto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Labada hoggaamiye ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah 30-kii September kadib wadahadalo qotodheer oo ay ku yeesheen magaaladda Addis Ababa.
Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika bishii Luulyo inay taageeraan ololahooda ku aaddan qaadista cunaqabateynta, oo ay ku jiraan mamnuucida hubka iyo gaadiidka dagaalka.
Bishii Ogosto, Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku baaqay in xayiraadda laga qaado kadib booqashadii hogaamiyaha Soomaaliya ee Kampala.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ku soo rogay cunaqabatayn dhanka hubka ah 1992-kii, sababo la xiriira dagaal sokeeye iyo rabshado kooxeed.
Cunaqabateynta ayaa qeyb ahaan la qaaday sanadkii 2013-kii si ciidamada amaanka Soomaaliya looga caawiyo horumarinta iyo la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta ah. Cunaqabataynta hartey ee u baahan codsiyada hubka qaarkood si loo ansixiyo, waa la cusboonaysiiyaa sannad kasta.
GAROWE ONLINE