Soomaaliya oo Turkiga kaga dayaneysa ciribtirka "fikirka argagixisada”
ANKARA, Turkey - Soomaaliya waxa ay raadineysaa in ay wax ka barato khibrada Turkiga ee dhanka warbaahinta si ay si wanaagsan ula dagaalanto Al-Shabaab iyo “fikirka argagixisada," sida uu sheegay mas'uul sare.
Daa'uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa sheegay in xukuumadda ay dhowr jiho kala dagaalameyso maleyshiyadda waqti xaadirkan.
"Waxaan leenahay horusocod militari oo aan ku samaynayno xoogaa horumar ah ka dibna waxaa jira waji dhaqaale oo aan isku dayeyno inaan xakameyno," ayuu Aweys ugu sheegay wakaalada Anadolu ee Istanbul.
Magaalada Istanbuul, waxa uu kaga qeyb galay shirkii 12-aad ee Wasiirada Warfaafinta Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, kaasi oo la soo gaba gabeeyay Sabtidii shalay.
"Wajiga ugu dambeeya oo aad muhiim u ah wuxuu ku saabsan yahay fikradda waana in la faafiyo iyadoo la adeegsanayo habab isgaarsiineed," ayuu yiri Aweys, oo sidoo kale kulan la qaatay Agaasimaha Isgaarsiinta Turkiga Fahrettin Altun.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa wuxuu xusay: "Waxaan ka wada hadalnay sidii labada dal ay u wada shaqeyn lahaayeen qeybta macluumaadka".
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay in dowladiisa ay ku wajahayso gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab dagaal saddex afle ah; dhanka ciidamadda, dhaqaalaha iyo caqiiqadda.
Si loo fuliyo arrintan, dowladda ayaa mamnuucdey faafinta dacaayadaha Muqdisho, maalgelinta iyo bixinta lacaga baadda ah ee argagixisada si lamid ah kordhisay howlgaladda milatariga.
Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii ka waday Soomaaliya weeraro lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Weeeraradaas waxaa kamid ahaa qarax sanadkii 2017 ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 1,000 kale laba asbuuc kahor ayaana la xusay.
GAROWE ONLINE