Soomaaliya: Saddex caqabad oo xeeran daabicida lacag cusub
MUQDISHO, Soomaaliya - Ku dhowaad 10-kii sano lasoo dhaafay, Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay in ay daabacato lacag cusub. Hase ahaatee, illaa haatan dowladihii talada isaga kala dambeeyay kuma guuleysan.
Wasiirka cusub ee Maaliyadda, Cilmi Maxamed Nuur, ayaa si rasmi ah waxa uu daaha uga qaadey saddex caqabadood oo hortaagan in qorshaha ay ka mirodhaliso xukuumadda federaalka ah.
Mr Nuur oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ee laga leeyahay Mareykanka ayaa xaqiijiyey in saddexda arrimood oo xalkeeda aanan la helin uusan dalka heli karin lacag cusub.
Maalgelinta lacageed
Sida uu ka dhawaajiyey Nuur oo soo xigtay hay'adda lacagta aduunka ee IMF, aduun lacageed dhan 70 milyan oo doolar-ka Mareykanka ah ayaa qiyaas ahaan ku baxaysa soo daabacida lacagta.
"Runtii lacagahaasna miisaaniyadeena ma qaadi karaan taasoo ka dhigan in aan u baahan nahay maalgelin dheeraad ah," ayuu ka dhawaajiyey isaga oo aan carabaabin haddii ay kamid tahay qorshaha dowladda ee 2023.
Bangiga Aduunka ayuu carabka ku adkeeyay in dhowaan ay go'aamiyeen in kala bar lacagtaas oo ah in ka badan $40 milyan ay dhankooda ka timaado "30 milyanka kalena la raadiyo". Balse, ma cadda goorta ay bixin doonan.
Diyaar-garowga farsamo
"Taasi waa dhinaca maaliyadda oo wali taagan; dhinaca kalana waa farsamo oo ah in Bangiga Dhexe isku-diyaariyo oo ilaalinta qiimaheeda iyo diyaarinta qalabka loo baahan yahay," ayuu sii raaciyey.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa haatan waxa uu kooban yahay akoon lagu shubo lacagaha ay dowladda ka hesho caalamka iyo la socodka Bangiyada kale ee maxaliga ah.
Inkasta oo horumaro kala duwan uu sameeyay sanadihii lasoo dhaafay, haddana dadka dhaliila waxay sheegaan in Bangiga ay ka dhacaan dambiyo maaliyadeed oo u badan lacag dhaqamid madaxda sarre ku sameeyaan.
Gaarida heshiis wadareed
Wasiir Nuur ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda ay tahay in ay heshiis wadajir ah ka gaaraan qaabka ay lacagtaas ugu faafayso guud ahaan waddanka.
"Marka arrimahaas oo is-biirsadey ayaa dib-u-dhigaa sameeyay. Laakiin waxaan is-leeyahay hadda oo loo haayo lacagtii oo qeyb ahaan loo hayo, barkii kalana loo raadinayo, Bangigiina uu meel fiican soo gaarey in uu maamuli karo soona saari karo lacag qiimo leh, waxaan is leeyahay waa xiligii ugu wanaagsanaa ee lasoo daabici lahaa," ayuu kusoo xiray.
Lacagta shilin Soomaaliga ayaa haatan waxa uu qiimo ahaan aad uga hooseeyaa lacagta dalka loogu isticmaalka badan yahay ee doolar-ka. Waqti-xaadirkan la joogo, $1 waxaa lagu sarifaa 23-kun oo shilin Soomaali ah.
GAROWE ONLINE