Sooyaalka calaamada baluuga Twitter-ka iyo damaca cusub ee Musk
NEW YORK, US - Elon Musk ayaa sheegay in Twitter ay ka qaadi doonto $8 (£7) bishiiba isticmaalayaasha mareegta ee doonaya calaamad buluug ah ee muujinaysa akoonada la isku halayn karo.
Iyada oo qayb ka ah isbeddelada ka dib markii $44 bilyan (£38bn) uu kla wareegeen boggan, Mr Musk waxa uu sheegay in ay "muhiim tahay in laga adkaado spam/scam".
Calaamadda buluuga ah ee ku xigta magaca isticmaalaha - sida caadiga ah - hadda waa bilaash. Talaabadan ayaa adkeyn karta in la ogaado ilaha lagu kalsoonaan karo, ayay yiraahdeen dadka dhaliila.
Mr Musk, oo ah qofka ugu taajirsan adduunka, ayaa intaa ku daray in dadka isticmaala lacagta ay mudnaanta siin doonaan jawaabaha iyo raadinta, iyo kala bar xayeysiisyada.
"Awoodda dadka! Buluug $ 8 / bishii," ayuu bilyaneerka ku yiri Twitter, isaga ku dhaleeceeyay qaabkii hore ee bixinta calaamada buluuga kuna sifeeyay "nidaamka sayidyada iyo beeraleyda".
Hadalkan ayaa wuxuu kasoo horjeedaa warar maalmihii lasoo dhaafay aad u hareeyay baraha bulshadda iyo warbaahinta oo ahaa in shirkadda ay $24 ka qaadeyso dadka doonaya calaamada baluuga.
Dadka dhaleeceeya maalqabeenkan ayaa damaciisa cusub waxay ku tilmaameen isku-day uu doonayo in uu dhaqaale kaga sameeyo shirkadan ayna taas baalmarsan tahay balankiisii ahaa in uusan sidaas u iibsan.
Qaabkii hore ee Twitter-ka ee lagu bixin jiray dadka isticmaala calaamadda buluuga ah waxaa ka mid ahaa foom gaaban oo online ah, waxaana loo qoondeeyay kuwa aqoonsigooda la bartilmaameedsanayo, sida dadka caanka ah, siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta.
Shirkadda ayaa waxay nidaamkan soo bandhigtay sanadkii 2009-kii kadib markii ay la kulantay dacwad ku eedeeysay in aysan sameyn wax ku filan oo looga hortagayo ciwaanadda been abuurka ah.
GAROWE ONLINE