Su'aal ka dhalatay xubin Al-Shabaab oo hal sano ku noolaa Mareykanka
WASHINGTON, USA - Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha ee Mareykanka (ICE), Patrick Lechleitner, ayaa shaaca ka qaaday in xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab loo oggolaaday in uu si xor ah u dhex mushaaxo gudaha Mareykanka ku dhawaad hal sano kaddib markii laga soo qabtay xuduuda koonfureed ee dalkaas.
27-jirkan Soomaaliga ah oo aan magaciisa la sheegin ayaa markii hore lagu xiray meel u dhow San Ysidro, California, Maarso 13, 2023, kaddib markii uu si sharci darro ah uga gudbay sohdinta.
In kasta oo ay isla markiiba xabsiga u taxaabeen Ciidamadda Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka, hadana "isku-dheelid la'aanta" habka qiimaynta Xarunta Baarista Argagaxisada ayaa horseeday in shakhsiga lagu sii daayo Maraykanka.
Shaqsigan ayaa la xaqiijiyey inuu ku lug lahaa isticmaalka, samaynta, ama rarista walxaha qarxa ama hubka waxaana markii dambe laga soo qabtay magaalada Minneapolis, Minnesota.
Dhacdadani ayaa waxaa si weyn u dhaleeceeyay dadka siyaasadda u dhuun daloola, gaar ahaan xunaha haysta Aqlabiyadda baarlamanaka oo uu hogaamiyo Tom Emmer.
Warqad uu u diray Xoghayaha Amniga Gudaha Alejandro Mayorkas, Emmer waxa uu ku muujiyay niyad jabka iyo walaaca uu ka qabo dadkiisa. Siyaasiyiinta Jamhuuriga ayaa dalbaday fahfaahin.
Dhacdadan ayaa iftiiminaysa in diirada la saarayo xubnaha Al-Shabaab ee isku dayaya inay maraan xudduudaha caalamiga ah, iyadoo Costa Rica ay noqotay meel xasaasi ah oo lagu xiro shaqsiyaadka lala xiriirinayo argagixisada.
Bishii Disembar 2023, saraakiisha Costa Rica waxay xireen Cali Cabdinuur Axmed, oo ah Soomaali xiriir la leh Al-Shabaab, waxaaba laga qabtey meel u dhow xudduudda Panama.
Horaantii sanadkii 2023, Costa Rica ayaa xirtay oo masaafurisay Luthman Warsame Faarax, oo ah wiilka ugu weyn hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo dalka ku joogay aqoonsi been abuur ah. Dhacdadan waxay ay daboolka ka qaadey khatarta taagan iyo baahida loo qabo iskaashi dhexmara Soomaaliya, Costa Rica iyo Mareykanka.
GAROWE ONLINE