Sugnaanta faraha ee loo adeegsado caddaymaha oo shaki la galiyay
WASHINGTON, USA - Barnaamij kiis-baar ah oo ka baxa mid ka mid ah taleefishinada Maraykanka, barnaamijkaas oo lagu magacaabo Frontline ayaa shaaca ka rogey gefaf waaweyn oo ku jira nidaamka cilmi-seyniska sawirka faraha ee loo adeegsado in lagu soo helo qofkii dambiga geystay iyo sidoo kale lagu kala garto dadka.
Barnaamijka ayaa waraystay nin muslim ah oo ka tirsanaan jirey ciidamada Maraykanka oo lagu magacaabo Brandon Mayfield, kaas oo loo qabsaday weeraro argagixiso oo ka dhacay Spain sanadkii 2004-tii, isaga oo aanan halkaas waligiis tagin. Waxa keliya ee xiriirinayay Brandon iyo qaraxa ayaa ahaa in faraha laga heley boorsadii lagu qaaday qaraxa ay kuwiisa u ekaayeen, iyada oo arrintan qiraal ku bixiyeen illaa 4 qof oo ah xeeldheerayaasha cilmi seyniska faraha oo aanan is ogeyn.
Brandon maxkamad ayaa la saaray, balse ka hor intii aanan la xukumin ayay booliiska Spain heleen nin u dhashay dalka Algeria oo ahaa kii ka dambeeyay qaraxa, lahaana faraha laga heley goobta qaraxa, sidaas ayaana lagu siidaayay Brandon Mayfield oo qarka u saarnaa in noloshiisa uu xabsi ku dhamaysto ama dil lagu xukumo.
Frontline ee Public Broadcasting Sercive ayaa wareystay seynisyahano, qubaro dhanka faraha ah, qareeno, dacwad oogayaal, saraakiil ciidanka ka tirsan, sheeybaariistayaal iyo waliba xaakimiin, inta badana waxa ay isku raaceen in markii ugu horeysay hubanti la’aan ay gashay sugnaanta cilmi seeyniska faraha oo markii hore nidaamka garsoorka Maraykanka u aqoonsanaa in 100% ay yihiin kuwa la isku halayn karo.
Barnaamijka ayaa sidoo kale dabogal dheer ku sameeyay sida lagu qaato shahaadooyinka qabiirnimada dhanka cilmi seeyniska ee kala duwan, wuxuuna si qarsoodi ah u direy gabadh cilmiga saxaafadda ka barata jaamacadda Berkeley ee California, taas oo muddo kooban oo todobaadyo ah kusoo heshey shahaadada qabiirnimada seeyniska, taas oo u ogolaanaysa in ay qiraal ka bixiso maxkamad horteed, qiraalkaas oo loo cuskan karo in lagu xukumo qof dambi loo haysto.
Ururka bixiya shahaadooyinkan ayaa diidey in uu bixiyo wax wareysi ah, balse dad horey uga tirsanaan jirey ururkan ayaa shaki weyn ka muujiyay shuruudaha uu ururkani ku shaqeeyo.
Barnaamijka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dad madoow ah oo siyaabo qaldan muddo dheer xabsi loogu xukumay iyada oo la adeegsanayo caddeymo aan sax ahayn iyo qubaro been abuur ah , kuwaas oo markii dambe xabsiga laga siidaayay kadib markii la ogaaday in dambigii loo haystay aysan iyagu galin.
Seynisyahanadii la wareystay ayaa waxa ay isku raaceen in caddaynta keliya ee ku fadhida aqoonta cilmi seeyniska ay tahay tan dhacaanka Hiddo-Sidaha ama DNA, waxa intaasi kasoo harana ay yihiin farsamooyin waayo-aragnimada laga dhaxlay oo mararka qaarkood qaldami kara.
Hadda hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI-da ayaa badeshay ereybixintii ay u adeegsan jirtay caddaymaha faraha, meeshana ka saartay kelmaddii muujinaysay in 100% ay Farahani yihiin kuwa qofka dambiga loo heysto.
GAROWE ONLINE