Talaabo kale oo loo qaadey "ceejinta dhuunta dakhliga Al-Shabaab"
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay waxay ku dhawaaqdey in ay dambi tahay maalgelinta kooxaha argagixisadda iayda oo uga digtey ganacsatada.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in fal kasta oo noocaan ah uu lamid yahay iyadda oo laga qeyb-qaadanayo dilka shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Jibriil Cabdirashiid Xaaji, wasiirka ganacsiga oo shir jaraa'id kula hadlay warbaahinta, ayaa shaaciyey in shatiga lagala laaban doono hantidana lagala wareegi doono shirkad kasta oo lagu helo dambiga noocaan ah.
“Ganacsade kasta oo u hoggaansama awaamiirta ay soo saareen argagixisada, isla markaana bixiya dhaqaalaha, marnaba looma ogolaan doono inuu ganacsi ka sameeyo Soomaaliya," ayuu hoosta ka xariiqay.
Wuxuu raaciyey: "Shirkad kasta oo lagu helo inay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan Al-shabaab, ama kafaala qaada baayacmushtarkooda, waxay dowladdu la wareegaysaa hantidooda oo ay ku jirto tan ma-guurtadda ah".
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku qeexdey go'aanka dowladda mid ay ku dooneyso in ay "ku ceejiso dhuunta dakhliga macaashka badan ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida".
Al-Shabaab ayaa canshuur ka qaada ganacsatadda, baabuurka isaga kala gooshta Muqdisho iyo degaanadooda iyo dadka guriyaha kala iibsanaya, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray machadka Hiraal faafiyey 2020-ka.
Hay'adda cilmi-baariata sameysay ayaa markaas ku qiyaastay in Al-Shabaab ay ururiso ugu yaraan 15-milyan oo doollar bishii, taasoo ka hor-timid dadaalladii canshuur ururinta ee ay dowladdu samaysay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in dagaal adag lala geli doono Al-Shabaab, waxaana digniintan loo jeediyay ganacsatada ay ku soo beegantay xilli ciidamada qalabka sida oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah iyo saaxiibo caalami ah ay qaadeen olole xooggan oo ka dhan ah nabad-diidka.
Maleyshiyaadka ayaa bilihii lasoo dhaafay qaaday weeraro xiriir ah, iyadoo bishan gudaheeda magaalada Beledweyne ay ka dhaceen saddex qarax oo ay ku dhinteen 30 qof.
Sidoo kale waxaa bishii Ogosto ee sanadkan ku dhintay 21 qof kadib markii ay galeen hotel ku yaalla magaalada Muqdisho. Maamulka Xasan Sheekh ayaa wacad ugu maray in uu kooxda lala dagaalamayo dhanka ciidanka, dhaqaalaha iyo dakhliga.
GAROWE ONLINE