Taliban oo fulisay xukunkii ugu horeeyay ee dil toogasho ah

Image
Shaqsiga xukunka lagu fuliyey ayaa kamid ahaa xubnaha kooxda waxaana loo haystay fal dil ah.

KABUL, Afgaanistaan - Taliban ayaa toogtay qofkii ugu horeeyay tan iyo markii ay la wareegeen awooda Afgaanistaan ​​sanadkii hore, sida uu xaqiijiyey afhayeenkooda. Ninka xukunka lagu fuliyey ayaa loo haystay dil.

Xukunka dilka toogashada ayaa laga fuliyey galbeedka gobolka Farah. Falka dilka ah ayaa dhacay sanadkii 2017. Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in ninka la toogtey uu ka tirsanaa kooxdooda.

Aabaha dhalay ninka la dilay ayaa gacantiisa ku toogtey xukunsanaha. "Saddex xabadood ku dhuftay," ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mujaahidku oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah.

"Kiiskan waxaa baaray saddex maxkamadood, waxaana oggolaaday hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda, kaasoo fadhigiisu yahay koonfurta gobolka Qandahaar," ayuu yiri Mujaahid.

In ka badan 12 sarkaal oo sarsare oo ka tirsan Taliban ayaa goobjoog ahaa fulinta xukunka dilka ah, sida uu sheegay Mujaahid, oo ay ku jiraan ku simaha wasiirka arrimaha gudaha Sirajuddin Haqqani iyo ku simaha ra’iisul wasaare ku xigeenka Cabdul Ghani Baradar.

Sidoo kale, waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalkaasi, ku simaha wasiirka arrimaha dibadda iyo ku simaha wasiirka waxbarashada.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, hay'adaha garsoorka ee Taliban ayaa sheegay in ay soo celinayaan shuruucda adag ee karbaashka iyo ciqaabta gacan goynta. Talaabooyinkan waa sidda ay xeerineyso shareecada Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM