Taliban oo loo tilmaamay sida ay aqoonsi uga heli karto dunida

Image

NEW YORK, USA - Gregory Meeks, oo ah guddoomiyaha Dimuqraadiga ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Hoose Mareykanka , ayaa sheegay inuusan meesha ka saari doonin in la aqoonsado dowlad ay Taliban hoggaamiso.

Balse, wuxuu carrabka ku adkeeyay in kooxdu ay tahay inay ka soo baxdo ballanqaadyadeedii ahaa inay xushmeyso xuquuqda aadanaha si gaar ah metelaadda dhabta ah ee haweenka.

Isagoo la hadlayay MSNBC, Meeks wuxuu sheegay in xiriirka kala dhexeeya dowladda Vietnam ay mar u malaynayeen inaysan macquul ahayn ka dib markii Mareykanku ka baxay waddanka.

Hase ahaatee, xukuumadda Washington hadda "waxay ku raaxeysaneysaa xiriir diirran oo ay la leedahay Hanoi tan iyo dagaalkii horseeday in Mareykanka lasoo baxo ciidamadiisa".

"Markaa marna ma dhihi doontid, laakiin waxaa jira wax badan oo Taliban ay tahay inay sameyso si ay u muujiso inay dhab ahaantii ilaalin doonaan mabaadi'da… xuquuqda aadanaha," ayuu yiri Meeks.

Dhanka kale, Taalibaan waxay la halgamayaan sidii dalku u shaqayn lahaa, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo deeqbixiyeyaasha ajnabiga ah ay ka walaacsan yihiin dhibaato bani'aadamnimo oo soo socota.

Sicirka ayaa cirka isku shareeray dadkuna waxay si joogto ah isugu soo baxaan si ay isugu dayaan inay lacag caddaan ah kala baxaan bangiyada lagu amray inay dib u furaan - laakiin xadidaan adag oo toddobaadle ah ayaa la saaray.

Madaxa bangiga dhexe ee ay Taliban magacawday, Xaaji Mohammad Idriis, ayaa isku dayay inuu u xaqiijiyo bangiyada kooxdu waxay rabtaa nidaam maaliyadeed oo si buuxda u shaqeeya laakiin wax yar ayuu ka bixiyay sida ay u bixin doonaan lacagaha, sida ay sheegeen bangiyo yaqaan arrinta.

Geesta kale, Mareykanka ayaa sahaminaya siyaabo lagu daad gureeyo muwaadiniinta Mareykanka iyo xulufada Afgaanistaan, oo ay ku jirto marin dhanka dhulka, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Victoria Nuland ayaa sheegtay in maamulka Biden uu ku hawlan yahay "shaqo diblomaasiyadeed oo degdeg ah".

Talaabadan ayaa, sida ay sheegtay Nuland, waxay salka ku haysaa "si loo caawiyo muwaadiniinta Mareykanka iyo xulafada Afgaanistaan ​​ee doonaya inay ka baxaan Afghanistan ka dib qabsashadii Taliban".

"Waxaan eegeynaa dhammaan xulashooyinka suurtagalka ah - marinnada hawada, marinnada dhulka," ayay ka sheegtey shir jaraa'id oo ay qabatay kadib markii ay soo kordheen qaylo-dhaan ku saabsan in ay jiraan dad laga soo tagay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM