Taliyihii caro uu ka qaadey xil laga qaadey ugu biiray Al-Shabaab

Image
Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle ayaa la sheegay in uu fududeeyay qaraxyo galaaftey ugu yaraan 100 ruux.

MUQDISHO, Soomaaliya – Yaa fududeeya qaraxyada shacabka badan ku dhintaan ee Muqdisho? Waa su’aal jawaabta laga bixiyey ka badan tahay inta jeer dadku is-waydiiyeen, balse, haatan u muuqato in cimrigeeda uu soo gaabanayo.

Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle, askari ka tirsan milatariga Soomaaliya, ayaa qirtey in uu kaarkiisa aqoonsiga u adeegsaday in uu caasimada soo geliyo ugu yaraan shan baabuur oo lagu soo rakibay qaraxyo ayna ku dhinteen tobanaan ruux.

Sida uu muujinayo muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladda, Ayaanle oo Sabtidii Janaayo, 7, 2022 kasoo muuqdey Maxkamada Ciidamada ayaa si lamid ah waxa uu xaqiijiyey uu hub ay leedahay dowladda ka iibiyey Al-Shabaab.

Waa kuma Shariif Ayaanle?

Qaraxyada uu fududeeyay ayaa la sheegay in sanadkii 2019-kii ay ka kala dhaceen Moolka Xamarwayne, Maqaaxida Village, Villa Baydhabo, Hotel Wehliye iyo Xeebta Liido. Xeer-ilaalinta waxay warisay in wadar 100 qof ay ku dhinteen falalkan.

Ayaanle oo qareenadiisa ay sheegeen in qiraalkaas uu xaq u leeyahay in uu ka laabto ayaa tan iyo caruurnimadiisa ku dhex-jiray ciidamadda xoogga. Darajada kabtan ayuu ka gaarey taasoo ay u sureen madaxda dowladda federaalka.

Taliyaha ururka labaad ee Guutada lixaad ee milatariga ayuu soo noqdey. Sidoo kale, waxa uu qeyb ka ahaa ciidamadda magaala madaxda Muqdisho ka saarey Al-Shabaab xiligii uu xukunka haayey madaxwayne Shariif Sheekh Axmed

Caro ka dhalatay xil ka qaadis

Buulo Axmed Kamey, xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya, ayaa sheegay in Ayaanle uu "lugiisa ku doontey la shaqeynta" xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida kadib markii uu ka caroodey in xilka laga qaadey.

"In uu sidaas ugu fekero oo ummadda dhiigooda [cabo] waa wax cajiib ah. Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu isaga lugtiisa ugu tagay Al-Shabaab oo uu ka codsadey wadashaqeyn. Waxa uu ku doodayaa xil baa la iga qaadey," ayuu yiri.

Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay xukun ku rido Ayaanle maalmaha soo aadan. Dacwad-oogeyaasha waxay dalbadeen in lagu rido dil toogasho "inkasta oo aysanu dhigmin dadka uu laayay," ayuu xusay Kamey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM