Tiknoolajiyad ka farxisay nin maqalka naafo ka ahaa 18-sano
LONDON, Britain – Nin juuqda gabay 2003-dii kadib shil gaari uu curyaamiyey isagoo 20-sano jir ah ayaa awood u yeeshay in uu dib hadalo, waxaana mahadaas iska leh tiknoolajiyad cusub.
Dhakhaatiir ku xeeldheer qaliinka neerfaha ayaa qalabkan saarey maskaxda 38-sano jirkan loo yaqaano Pancho, waxaana aaladan ay akhrineysaa hadalka bukaanka isla waqtiga uu isku dayayo in uu dhawaaqo.
Pancho, oo saynisyahannada ugu yeeray Bravo-1 sababo la xiriira arrimo gaar ah, ayaa shan iyo toban erey ku dhahay muddo hal daqiiqo waxaana boqolkiiba 75 sax ahaan hadalkiisa, taasoo ka dhigan wada-sheekeysi caadiya.
Sida ay sheegeen khuburadda, jumladda uu sidda tooska ah uga dhawaajiyo bukaanka waxay ahayd "qoyskaygu waxay ku sugan yihiin dibadda [banaanka]".
Iyaddoo daraasadda tijaabadan ay qaadatay muddo 81 todobaad ah, guusha waxaa Arbacadda asbuucii hore lagu sheegay warbixin lagu daabacay Joornaalka arrimaha caafimaadka ka faalooda ee The New England.
"Tani waxay noo sheegaysaa inay macquul tahay," ayuu yiri Dr Edward Chang, oo ah gudoomiyaha dhakhaatiirtka qalliinka neerfaha ee Jaamacadda California, San Francisco kaasoo hogaaminayey cilmi-baaristan.
Wuxuu ku daray: "Waxaan u maleynayaa inay jirto fursad weyn oo lagu wanaajin karo halka ay hadda taagan tahay," ayuu raaciyay, isagoo cadeeyay in hadalka caadiga ah uu yahay mid u dhigma 120 ilaa 150 eray daqiiqadiiba.
Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa aalaaba looga bartey adeegsiga aalad indhaha wax ku qeexeysa ama madaxa. Sidoo kale, waxaa jirta aalad ku shaqeysa tilmaaha fekerka.
Balse waa markii ugu horeysay oo lasoo saaro qalab qofka u ogolaanaya in uu ku hadlo jumlad dhameystiran isla markaana uusan hingaadin.
Sheybaarka Chang Lab oo tijaabadan miradhashay lagu sameeyay ayaa ka dhawaajiyey in hadafooda uu yahay in ay taageeraan dadka naafada ka ah maqalka una sameeyaan nidaam xiriir casri ah.
GAROWE ONLINE