Tirada barakacyaasha aduunka oo gaartey 75.9 milyan qof

Image
Xarunta Dabagalka Barakacayaasha Gudaha ayaa warbixin kasoo saartey tirokoobkii ugu dambeeyay.

NAIROBI, Kenya - Colaadda Suudaan iyo dagaalka Israel ku hayso Qaza ayaa kordhiyay dadka barokacay ee adduunka oo gaartey 75.9 milyan qof dhamaadka 2023, sidda lagu sheegay tirokoob cusub.

Xarunta Dabagalka Barakacayaasha Gudaha ayaa sheegtay in tiradani ay tahay mid cusub dhamaadka sanadka marka loo eego tirinta, iyadoo tirada dadka ku barakacay xudduudahooda ay kordheen in ka badan 50 boqolkiiba shantii sano ee la soo dhaafay.

Tirada ayaa kor uga kacday 71.1 milyan dhamaadkii 2022.

Halka qaxootiga ay yihiin kuwa dibadda u qaxay, barakaca gudaha waxaa loola jeedaa dadka iyaga oo ku nool waddankooda lagu qasbay in ay ka guuraan guriyahooda.

Warbixin sanadeedkeeda caalamiga ah oo ku saabsan barakaca gudaha, IDMC waxay sheegtay in 68.3 milyan oo qof adduunka oo dhan ay ku barakaceen colaado iyo rabshado, iyo 7.7 milyan oo ay ku barakaceen masiibooyinka.

Shantii sano ee la soo dhaafay, tirada barokacayaasha ee ka dhashay iskahorimaadyada ayaa kordhay 22.6 milyan, iyadoo labada koror ee ugu weyn ay ahaayeen 2022 iyo 2023 kuwaas oo colaado sababeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM