Tirada dadka sanad kasta u dhinta dufanta oo lasoo bandhigay
ANKARA, Turkey - Shan bilyan ayaa aduunka oo dhan halis ugu jira dufanta taasoo kordhinaysa khatarta cudurrada wadnaha iyo dhimashada, sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxdey Hay'adda Caafimaadka Adduunka.
"Dufanta ma laha faa'iidooyin la og yahay balse waxay sidataa khataro caafimaad oo aad u ballaaran," ayuu yiri Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.
WHO ayaa sheegtay in 43 wadan ay dhaqan galiyeen siyaasadaha ugu dhaq-dhaqaaqa wanaagsan ee lagula tacaalayo dufanta cuntada ayna 2.8 bilyan oo ruux ay ka badbaadayaan caalamka oo dhan.
Geerida 500,000 ruux sanad walba
Dufanta la isku-gudbiyo ayaa la aaminsan yahay in ay ku badan tahay cuntooyinka baakadaysan, alaabta la dubay, saliidaha wax lagu karsado, iyo cunooyinka kale ee la shiilo.
Qaadashada dufanta badan ayaa sabab u noqdey dhimashadda 500,000 ruux kuwaasoo ka yimaada cudurrada wadnaha ee halbowlaha ah sannad kasta adduunka, sidda ay sheegtay WHO.
Waqtigan xaadirka ah, sagaal ka mid ah 16-ka waddan ee ay ka jirto dhimashada cudurrada wadnaha ee ay sababtay qaadashada dufanta badan ayaan lahayn siyaasad lagu xakameynayo.
Nigeria ayaa Afrika ugu wanaagsan
Sidda laga soo xigtey warbixinta WHO ee la daabacay Isniintii shalay ahayd, dalalkaas ayaa kala ah Australia, Azerbaijan, Bhutan, Ecuador, Masar, Iran, Nepal, Pakistan, iyo South Korea.
Iyadoo badi siyaasadaha baabi'inta dufanka badan laga hirgaliyay wadamada dakhligoodu sarreeyo (gaar ahaan Ameerika iyo Yurub), waddamo badan oo dhaqaalahoodu dhex-dhexaad yahay ayaa sidoo kale fulinaya ama qaadanaya siyaasadahan.
Argentina, Bangladesh, India, Paraguay, Philippines, iyo Ukraine. Siyaasadaha ku dhaqanka ugu wanagsan ayaa sidoo kale lagu tixgaliyaa Mexico, Nigeria, iyo Sri Lanka ayay kala yihiin wadamadaas.
Nigeria waxay noqon doontaa dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ee dajinaya siyaasadda baabi'inta dufanta. Ma jiro wadamo dakhligoodda uu hooseeyo oo weli qaatay siyaasadda ugu habboon ee lagu ciribtirayo dufanka.
GAROWE ONLINE