Tirada hubka lagu qabtey garoomada diyaaradaha oo la shaaciyey
WASHINGTON, United States - Tiradii ugu badneyd ee hub ah ayaa lagala wareegay rakaabkii garoonka diyaaradaha ee Mareykanka sanadkan 2022, sida ay sheegeen saraakiisha laanta socdaalka.
Sidda ku xusan warbixin kasoo baxdey Hay'adda Amniga Gaadiidka (TSA), 6,301 qori ah ayaa lagu qabtey baraha hubnta tan iyo bartamihii bishii December taasoo ka dhigan koror 88% ah.
Warbixinta TSA oo warbaahinta Mareykanka soo xigatay ayaa muujineysa in hay'addu fileyso in ay la wareegto 6,600 oo qoryo dhamaadka sanadka - taas oo 10% kor u kacday heerka rikoorka 2021.
Hay’adda ayaa waxay hoosta ka xariiqdey in qoryaha lala soo galo garoommada ay dhaqaale badan uga baxdo dadweynaha. Tirada qoryaha la qabtey sanadkii hore ayaa ahaa 5,972.
Gegida dayuuradaha ee Hartsfield-Jackson ee Atlanta iyo Georgia ayaa lagu qabtey tirada hubka ugu badan, halka madaarka Dallas/Fort Worth ee gobolka Texas soo galeen kaalinta labaad.
Sharciyada lahaanshaha hubka waa ku kala duwan yihiin goboladda Mareykanka, laakiin hubka lagama ogola qolka rakaabka ee diyaaradda, xitaa haddii rakaabku haysto ogolaansho hub oo qarsoon.
Rakaabka diyaaraduhu waxay ku safri karaan qoryo ku jira boorso la hubiyay. Dadweynaha ayaa sidoo kale waxaa waajib ku ah in ay u sheegaan shaqaalaha diyaaradda - haddii kale ciqaab jiri doonto.
GAROWE ONLINE