Trump oo iibinaya hotel-kiisa caan baxay inta uu xilka hayey
NEW YORK, USA – Shirkadda The Trump Organization ayaa lagu waramay in ay qalinka ku duugtey heshiis ay qimo dhan $375 milyan doolar ku iibineyso hoteelka qaaliga ah ee ku yaala Washington.
Sida ku cad qorshaha iibka, Trump International ayaa loo bedeli doonaa magaca Waldorf Astoria waxaana maamuli doonta Hilton group, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka.
Bishii lasoo dhaafay, baarlamaanka Mareykanka ayaa baaritaan ku ogaadey in huteelka uu khasaaray in ka badan 70 milyan doolar inti uu xafiiska madaxtinimadda haayey Donald Trump.
Shirkadda madaxwaynihii hore ee Mareykanka ayaa shacabka u ogolaatay huteelka sanadkii 2016-kii. The Trump Organization waxay dad ka iibsada raadineysay huteelka tan iyo sanadkii 2019-kii.
Heshiiska ay la galeen shirkadda maalgashiga ee fadhigeedu yahay Miami laguna magacaabo CGI Merchant Group ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo afarta bilood ee ugu horeysa sanadka dambe, sida ay illow areedyo u sheegeen The Wall Street Journal iyo Bloomberg.
Dhismahan taagan muddo 120-sano ayaa wax ka yar hal meyl wuxuu u jiraa Aqalka Cad wuxuuna saaran yahay jidka Pennsylvania. The Trump Organization waxay dayactirka huteelka sanadkii 2012-kii.
Huteelka ayaa la furay afar sano kadib, kaliya bilooyin kadib markii Mr Trump uu ogolaadey in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee madaxtinimadda. Joogitaankiisa xafiiska ayaa caan bixisya huteelka.
Balse, waxaa hareeyay muran badan. Sanadkii 2018-kii, wadaado ayaa ku taliyey in ruqsadda lagala noqdo sababo ku aadan in mulkiilaha uusan lahayn “qofka aan lahyan dhaqan ama anshax aad u suuban.
Dhowaan, baaritaan uu sameeyay Congress-ka ayaa lagu ogaaday in Mr Trump uu "si weyn u buun buuniyay" faa'iidada hoteelka markii uu ku andacooday in uu macaashay $150m intii uu xilka hayay.
Guddiga Congress-ka ayaa sheegay in hotelka uu khasaaray lacag ka badan 70 milyan oo dollar intii uu xilka hayay.
Warbixintu waxa kale oo ay ogaatay in Mr Trump uu u muuqday mid "qarinayey iskahorimaadyada suurtagalka ah" ee la xiriira lahaanshiyaha huteelka iyo doorkiisa deyn-bixiye iyo dammaanad qaadka deymaha qolo saddexaad.
Dukumiintiyo ayaa muujiyey in hoteelka uu helay lacag dhan $3.7m oo ay bixiyeen dowlado shisheeye – taasoo ku filan 7,400 oo habeen ee hoteelka celcelis ahaan maalin walba, sida ay sheegeen guddiga.
Ururka Trump ayaa beeniyay inuu sameeyay wax khalad ah wuxuuna ku tilmaamay warbixinta "mid marin habaabin ah". Hase ahaatee, shirkadaha The Trump Organization iyo Hilton group wali kama iibinta.
GAROWE ONLINE