Ukraine oo ka digtey in uu dhici karo dagaalka saddexaad dunida

Image
Madaxwayne Volodymyr Zelenskyy ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga shanqariyey dhawaqan.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay Isniinta maanta ah inuu la xiriiray madaxda Shiinaha oo uu ka codsaday in aysan wax taageero ah siin Ruushka oo dagaal kula jiro Kyiv.

"Rajadaydu waxay tahay in xukuumadda Beijing ay sii wadi doonto hab-dhaqan macquul ah, haddii kale waxaan halis u gelineynaa Dagaalkii Saddexaad ee aduunka - dhammaanteen waan ka warqabnaa taas," ayuu Zelenskyy ku yiri wareysi uu siiyay La Repubblica.

Ukraine waxay had iyo jeer la lahayd "xiriir aad u wanaagsan Shiinaha," waxayna "danta qof walba ku jirtaa in uusan sii xumaan cilaaqaadkaas," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Iyadoo Shiinaha lagu tixgaliyo inuu ka mid yahay taageereyaasha muhiimka ah ee Ruushka, ayaysan weli taageero milateri siinin Moscow. Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku wuxuu ku adkaysanayaa in Shiinuhu uu dhawaan keeni karo hub.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Axadii la hadlay talefishinka CBS, isagoo sheegay in Shiinuhu uu "ka fiirsanayo inuu taageero dilaa ah" siiyo Ruushka.

Markii la weydiiyay waxa uu ula jeedo arrintaas, Blinken wuxuu ku jawaabay, "Hubka, ugu horrayn hubka". Shiinaha ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin dhawaqaas.

Intaa waxaa dheer, Zelenskyy wuxuu dhaleeceeyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron inuu si isdaba joog ah u raadinayo wadahadal uu la yeesho Ruushka.

"Waxay noqon doontaa wadahadal aan guul lahayn, dhab ahaantii, Macron wuxuu luminayaa waqtigiisa, waxaan gartay in aanan awoodin in aan bedelno dabeecadda Ruushka," ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM