UN-ka oo kashifay xeelad Al-Shabaab ku kala gudbiso lacagaha

Image
Dowladda federaalka ayaa todobaadkan waxay sheegtay in ay xirtey "akoono u shaqeeya Khawaariijta".

NEW YORK, United States - Inkastoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto curyaaminta dhaqaalaha Al-shabaab, warbixin kasoo baxdey Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay in maleyshiyada hubeysan ay wali si xor ah lacagaha u soo marin karaan bangiyada ganacsiga iyo kuwa Islaamiga ah si lamid ah shirkadaha lacagaha bixiya.

Warbixinta oo bishan la faafiyey waxay xaqiijisay in halmar wareejiso wax yar ka yar $10,000 si ay uga fogaato in kormeerayaasha ay ka shakiyaan maalgeliyeyaasha kooxda argagixisadda ah.

Tani waa xeelad cusub taasoo kooxda ku kala gudbiso lacagaha ayna tahay in ay aad uga feejignaadaan mas'uuliyiinta dowladda u qaabilsan la socodka dhaqdhaqaaqa kooxda, sidda ay sheegeen falanqeeyeyaasha.

Dowladda federaalkan ah ee Soomaaliya ayaa todobaadkan waxay ku dhawaaqday in ay xirtay dhowr akoon oo loo maleynayo in ay u shaqeeyaan maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Al-Cadaalla oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo gaartay in ka badan 10,000 oo farriimo ah oo ay soo direen dadka Soomaaliyeed ee wadaaga Akoonnada Bangiyada, kuwaasi oo kooxaha hubeysan ay lacago ku helaan

Al-Cadalla oo aan fahfaahin aan ka bixin akoonadaas uu ka shanqariyey ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay ku amartay bangiyada iyo xawaaladaha inay xannibaan xisaabaadka laga shakiyey.

Maxkamadeynta "cidda suurtagelisay"

C/llaahi Goodax Barre, wasiirkii hore ee waxbarashadda caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa VOA u sheegay tallaabada lagu xiray xisaabaadka bangiyada ee xiriirka la leh Al-Shabaab inay tahay tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan.

Hase ahaatee, Barre oo sidoo kale soo noqdey Xildhibaan ayaa wuxuu intaas ku daray in cidda u suurtagelisa Al-Shabaab inay adeegsadaan bangiyada ay tahay in maxkamad la soo taago.

"Shaqaalaha bangiyada waa in lala xisaabtamaa, sidoo kale, kuwa la shaqeeyayaasha ah, ee magacyadooda lagu furo xisaabaadka, waa in maxkamad la soo taagaa, cadaaladana waa in la horgeeyaa, waa in tallaabada xigta ay noqoto, aniga ra'yi ahaan," ayuu yiri Barre.

Wuxuu ku daray: "Laakiin guud ahaan, jihada dowladdu waa sax, waxaana u maleynayaa inay taasi tahay tallaabo muhiim ah oo ay sameeyeen. Laakiin uma maleynayo inay ku filan tahay in la gaaro natiijooyin la taaban karo".

"Sidoo kale Soomaaliya waa in ay maalgashi badan sameysaa si ay u dhisto awoodda hay’adaheeda baarista si ay si wanagsan ula socdaan lacagaha u socda kooxda argagixisada," ayuu kusoo xiray.

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka dhigay inuu Al-Shabaab la galayo dagaal saddex jiho ah - dhanka dhaqaalaha, milatariga iyo fikirka. Dhamaan dhinacyaddan, dowladda talaabo ayay u qaadey. Hase ahaatee, falanqeeyeyaashu waxay tilmaamayaan inuu gaabis ka jiro fulinta awaamiirta dowladda ee dhanka joojinta lacag siinta kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM