UN-ka oo warbixin kasoo saarey ilaha dakhliga ee Al-Shabaab
NEW YORK, United States - Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaarisay ilaha ay dakhliga ka hesho ayna soo kordhisay saldhigyo cusub oo ka baxsan meelmihii soo jireenka ahaa sida qaadista canshuuraha isbaarooyinka, guryaha iyo dhismayaasha.
Warbixin cusub oo la shaaciyay bishan ayay xeeldheereyaasha ku sheegeen in kooxda ay raadinayso dhaqaale ka dheeraad ah miisaaniyada bilaha ee hadda soo gasha oo dhan ku dhawaad 1 milyan si ay ugu maareyso mushaarka dagaalyahanadeeda.
Qoromadda ayaa lagu sheegay in inkasta oo dowladda Soomaaliya ay la dagaalanto Al-Shabaab, haddana ay sidoo kale kooxda wali awood u leedahay in ay dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale soo marsiiyaan Bangiyada maxaliga ah iyo kuwa Islaamiga ah.
Haweeney Soomaaliyeed oo sababo amni u diiday magaceeda ayaa VOA u sheegtay in maleeshiyada Al-Shabaab ay sanadkan ka dalbadeen lacag dhan $425 oo ay ugu yeereen canshuurta guri ay ka iibsatay Muqdisho ku dhawaad saddex sano ka hor.
Waxa ay xustey in nin uu Taleefan ka soo wacay uuna uga yeeray "Maxkamad" Al-Shabaab ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Ceelasha-booyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka "waa la dilaa"
Waxay u safartay halkaas, waxayna la kulantay dad badan oo ka yimid Muqdisho oo ay "maxkamaddu" u yeertay. Waxay tibaaxdey in qofna uusan ku dhicin inuu diido amarada kooxda sababtoo ah "dadka waa la dilaa".
Warbixinta khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu caddeeyay in Al-Shabaab bishii May ay soo saartay ogeysiis ah in birta, dhagxaanta iyo guryaha dabaqyada ah laga qaado lacag u dhexeysa 100 ilaa 300$ sanadkiiba.
Qormadda waxay intaas ku dartey in kooxdu ay sidoo kale baada ka qaataan milkiilayaasha dhismayaasha iyo guryaha laga dhisayo hareeraha Muqdisho oo qiyaastii boqolkiiba 25 ka ah qiimaha horumarka.
VOA-da ayaa warisay in ay la hadashay afar qof oo reer Muqdisho ah oo Al-Shabaab siiyay canshuurta guryaha intii u dhaxeysay bilihii May iyo July ee sanadkan, waxaana ka mid ah mid bixiyay 120 dollar oo dheeri ah oo ganaax ah, sababtoo ah dib u dhac ku yimid bixinta canshuurta.
Dhawaqa khuburadda Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay shaaca ka dhigtey in ay la dagaalameyso ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab ayna ku amartey ganacsatada iyo shirkadaha in ay joojiyaan "baadda ay siiyaan kooxda Khawaariijta ah".
GAROWE ONLINE