Villa Soomaaliya oo maciin-biday warbaahinta reer galbeedka

Image
Madaxtooyadda ayaa casuuntey wariyeyaal ajnabi ah si fariinta loogu gaarsiiyo deeq-bixiyeyaasha.

MUQDISHO Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, kaasi oo uu tilmaamay in kooxdani looga furey seddex jiho oo kala ah hawlgalada ciidanka, dhanka dhaqaalaha iyo waliba dhanka aragtida.

Wareysi uu siiyay wariyaha Bariga Afrika ee Majalladda The Economist Tom Gardener ayuu ku sheegay in shanti sano ee uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka hayay aanan wax dagaal ah iyo dedaal ah lagu bixinin in Alshabaab laga xoreeyo deegaanada ay xoogga ku haystaan.

“Ma garanayo in ay ahayd rabitaan la’aan, isku xirnaan la’aan iyo qorshe xumo, balse shantii sano ee lasoo dhaafay waxbo lagama qabanin dagaalka Alshabaab” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Dowladda ayaa sheegatay in boqolaal kiilo mitir oo dhul ah ay kala wareegtay dagaalamayaasha Alshabaab, kana qabsatay ugu yaraan 10 magaalo oo muhiim ah.

Hase ahaatee, si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashooyinka dowladda. Sidoo kale, qaybo kamid ah dhulka ciidanku sheegeen in ay "xoreeyeen" ayay dib uga soo baxeen.

Marti-qaadka warbaahinta reer galbeed

Horey ayay mas’uuliyiinta dowladdan iyo siyaasiyiinta taageersan ugu celceliyeen in madaxweynihii hore uusan dagaal la galin Al-Shabaab, balse waa mararka yar ee madaxweyne Xasan uu isaga laf ahaantiisa carrabka ku adkeeyo.

Villa Soomaaliya ayaa dalka ku casuumaya warbaahinta adduunka, gaar ahaan kuwa reer galbeedka, si uu farriintiisa uga gado Beesha Caalamka, gaar ahaan deeq-bixiyeyaasha oo uu doonayo in uu ka qanciyo sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wariyeyaasha caddaanka ah ayaa madaxweynaha la qadanaynaya, una raacaya munaasabadaha, iyaga oo qaar xitaa ay u raaceen isu kulan uu la lahaa culumada.

Dhowaan weriye ka tirsan BBC-da qeybta Ingiriiska ayaa markii ugu horeysey loo fasaxay in uu la safro ciidamada gaarka u tabobaran ee Danab ee uu tababaray Mareykanka.

Muuqaal ayuu kasoo duubay hawlgal aysan horey suurtogal u ahayn in saxaafadda loosoo bandhigo, wuxuuna wareysi la yeeshey haweenay ka mid ah mas’uuliyiinta Danab, waxayna ka mid ahayd mararka dhifta ah ee ay mas’uuliyiinta Danab warbaahinta la hadlaan. Tani waxay dhalisay su'aalo ku saabsan badqabka xogta ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM