Waa kuma jihaad-aloosaha ay ICC xukunka ka khafiifisay?
BOMAKO, Mali - Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC ayaa labo sano ka jartey xukunkii lagu riday jihaad-haloosha u dhashay waddanka Mali, Ahmad al-Faqi al-Mahdi.
2016-kii ayaa lagu xukumay sagaal sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay burburinta qabuuraha qadiimiga ah ee Timbuktu, laakiin hadda wuxuu jeelka ku qaadan doonaa todobo.
Ayaga oo ku dhawaaqaya yareynta xukunka, garsoorayaasha ICC waxay sheegeen inay tixgeliyeen arrimo ay ka mid yihiin "rajada uu ka qabo dib u soo celinta iyo dib u dejinta iyo wadashaqeyntiisa tan iyo markii uu isku soo dhiibay Maxkamadda Sebtembar 2015".
"Taariikhda uu ku dhameysanayo xukunkiisa sidaas darteed waxaa lagu wadaa in ay noqoto 18-ka Sebtembar 2022," ayay ICC ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay Khamiistii.
Al-Madi ayaa lagu helay dambiyo dagaal kadib markii uu si bareer ah u agaasimay weerarro ka dhan ah dhismayaasha diinta iyo taariikhiga ah ee UNESCO ee Timbuktu sanadkii 2012-kii.
Maxkamaddu ayaa ogaatay inuusan kaliya u fidin "taageerada saadka iyo niyadda" ee weerarrada, laakiin sidoo kale "wuxuu ka qayb qaatay burburinta ugu yaraan shan ka mid ah 10 dhismo".
Xukunsanaha ayaa lagu waramay in uu qirtay dambiga lagu soo oogay, "wuuna ka qoomameeyay," ayay maxkamaddu sheegtay, sidda ku xusan war-saxaafadeed ay daabacdey,
Bishii Oktoobar ayay ahayd markii uu raaligelin rasmi ah oo qabsatay warbaahinta uu bixiyay doorkii uu ku lahaa burburinta isagoo ka codsaday garsoorayaasha in xabsiga laga sii daayo.
GAROWE ONLINE