Warbixin kasoo baxdey UN-ka oo eedo u jeedisay hay'adda NISA

Image
Warbixinta ayaa sidoo kale waxay talooyin iyo baaq ujeedisay dowladda federaalka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga jirdilka (CAT) ayaa wuxuu soo saaray warbixin ku saabsan jirdilka, si xun ula dhaqmidda iyo tacaddiyada dhanka jinsiga oo ay sheegeen in ay ku kacdey ​​Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ee loo yaqaano NISA.

Warbixinta Guddiga ayaa ku saleysan baaritaan ay si madax-banaan uu guddiga ugu sameeyay dhowr dowladood oo ay kamid tahay Soomaaliya ayna ku jiraan Australia, Chad, El Salvador, Malawi, Somalia iyo Uganda si lamid ah Nicaragua.

"Gudaha Soomaaliya, Guddigu wuxuu ka walwalsan yahay warbixinnada ku saabsan jirdilka iyo tacaddiyada, oo ay ku jiraan xadgudubyada jinsiga ku saleysan, ee ay geysteen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay'addo kale oo dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn," ayuu yiri Guddiga.

Sidoo kale, guddiga ayaa waxa hoosta ka xariiqay in ay kordheen xukunadda dilka toogashadda ah taasoo ay tibaaxeen in ay meel ka dhac ku tahay Axdiyadda Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya saxiixdey.

Xukuumadda Muqdisho ayay ku tartarsiiyeen in ay dejiso siyaasad heer qaran ah taasoo ilaalineysa ku dhaqanka Axdiga mamnuucaya jirdilka, in si degdeg ah loo dhiso hay’ad qaran oo xuquuqda aadanaha ah iyo in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhamaan eedeymaha la xiriira jirdilka iyo si xun ula dhaqanka.

Tusaalooyinka warbixinta lagu soo qaadey waxaa kamid ahaa in hay'adaha NISA ay sameyso howlgalo ay kusoo qabqabto shaqsiyaad iyada oo aan sharci loo marin lana xiro latuhunsaneyaasha muddo aad u badan.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay'adda NISA ayaan wali ka jawaabin eedeynta cusub ee kasoo baxdey Guddiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga jirdilka ee loo yaqaano CAT.

Warbixin hore, Human Rights Watch waxay walaac kaga muujisay awooda ballaaran ee la siiyay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya gaar ahaan dhanka dembiyada la xiriira argagixisanimada iyo la xisaabtan la’aanta xadgudubyada xuquuqda aadanaha ​​ee ay ku kacaan saraakiisha hay'adda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM