Wasaarad agaasintay xaflada arooska wiilka madaxwayne
ABUJA, Nigeria - Diyaarado khaas ah ayaa buux-dhaafiyey dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Kano ee woqooyiga Nigeria iyadoo xubno ka tirsan madaxda dalkaas iyo kuwa Galbeedka Afrika ay halkaas u tageen arooska wiilka madaxweynaha iyo gabadha hoggaamiye diimeed caan ah.
Aqal-galka Yuusuf Buhari iyo Zahra Nasir Bayero waa mid ka mid ah dhacdooyinka caanka ah ee ugu waaweyn Nigeria sannadkan.
Kumanaan qof ayaa ka soo qeybgalay munaasabadda oo ka dhacday qasriga Amiirka Bichi, oo ah magaalo ku taal gobolka Kano.
Mid ka mid ah taariikhyahannada ayaa BBC-da u sheegay in arooska labada qoys ee kasoo kala jeeda madaxtooyadda iyo boqortooyada uu yahay mid aan hore uga dhicin taariikhda Nigeria.
Lamaanaha ayaa ku kulmay Jaamacadda Surrey ee UK. Damaashaadka ayaa sii soconaya goor dambe oo Sabtida ah, markaas oo aabaha aroosadda Nasir Ado Bayero si rasmi ah loogu caleemo saarayo Amiirka Bichi.
Qoyska ninka arooska ah ayaa bixiyay 500,000 naira ($ 1,200; £ 900) oo ah qiimaha arooska - oo u dhiganta ku dhawaad 10 jibaar ah celceliska lacagta woqooyiga Nigeria.
Weriyaha BBC-da ee Nigeria Isxaaq Khaalid ayaa xusay in sawirrada arooska ay buuq ka dhaliyeen baraha bulshada kahor xafladda, iyadoo qaarkood ay dharkeeda ku tilmaameen "kuwo anshax darro ah, maxaa yeelay garbaha waa qaawan yihiin," halka kuwo kalena ay difaaceen.
In kasta oo ay jiraan warar sheegaya in 100 diyaaradood oo khaas ah ay u duuleen munaasabadda, sarkaal ka tirsan garoonka ayaa warbaahinta BBC-da qeybteeda dunida la hadasha u sheegay in ay ka yaraayeen 50.
Si kastaba ha noqotee, ka qeybgaleyaasha xafladda ayaa hoos loo dhigay sababta oo ah cudurka faafa ee Coronavirus. In badan oo ka mid ah martida ayaa xidhnaa af-saab, iyada oo Nigeria ay hadda la tacaalayso xaalado badan oo curka ah.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka xafladda arooska, iyadoo boolis iyo milateri ay ilaalinayaan goobta xafladda waxayna fadhiyeen goobo istiraatiiji ah oo u dhow.
Siyaasiyiin sarsare iyo salaadiin dhaqameed ka kala yimid dalka oo dhan ayaa soo duulay, oo ay ku jiraan dhowr qof oo mucaarad ah.
Waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore Goodluck Jonathan oo Muhammadu Buhari uu kaga adkaaday doorashadii 2015.
Marwada koowaad ee Gambia Fatoumata Bah Barrow iyo madaxweynihii hore ee dalka deriska la ah Niger, Muhammadu Issoufu, ayaa ka mid ahaa martida ajnabiga ah. Xafladda arooska waxaa agaasimay Wasiirka Isgaarsiinta Isa Ali Pantami, oo ah imaam aqoon leh isla markaana kamid ah dadka aadka ugu dhow madaxwayne Buhari.
GAROWE ONLINE