Wasiir xabsi loo dhigay in uu ku aqal-galay hanti dadwayne
LILONGWE, Malawi - Wasiir hore oo ka tirsanaa dowladda Malawi ayaa waxaa la sheegay xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyey in uu hanti dadwayne u isticmaalay bishiisa malabka.
Charles Mchacha, wasiirkii waraabka ee maamulkii madaxweynihii hore ee Peter Mutharika, ayaa lagu eedeeyay inuu lacag wasaaradeed u adeegsaday hoteel aad u sareyso qiimahiisa isaga iyo afadiisa Blantyre arooskooda ka dib.
Wargeyska Nation ee Malawi ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in laba sarkaal oo kale oo sarsare oo ka tirsan dowladda ay sidoo kale ay xirtey hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa.
Saraakiisha kale waxay kala yihiin xog -hayaha guud ee Wasaaradda Waraabka iyo Horumarinta Biyaha, Henrie Njoloma iyo Moses Mwenye, Ku -simaha Agaasimaha Guud ee Guddiga Biyaha ee Lilongwe.
Xafiiska la dagaalanka musuqmaasuqa (ACB) ayaa sheegay in saddexda qofba lagu soo oogi doono ku takri fal xafiis, dayacid waajibaad iyo xatooyo. Dhammaantood way dafireen wax khalad ah.
Hay'adda la dagaalanka musuqmaasuqa Malawi ayaa tibaaxdey in ay ka shaqeyn doonto caddeymaha dacwadda ay kusoo oogtay saddexdan mas'uul si cadaaladda ay u wajahaan.
Warbaahinta Malawi ayaa waxay intaas ku dareysaa in saddex masuul ay heleen damaanad-qaad ay siisay maxkamadda sarre kadib markii ay bixiyeen in ka badan kun doolar oo damiin ah.
Mchacha ayaa, sida ay warisay saxaafadda, waxaa sanadkii hore mar loo xiray isku day uu dhul iibsasho ah magaalada Blantyre ee Scotland. Balse, waqtigaas lama soo bandhigin tafaasiil badan.
GAROWE ONLINE