Waxtarka ciidanka Soomaaliya ee ay carbiyeen xulafada NATO

Image
Mareykanka iyo Turkiga ayaa kala tababaray kumaandooska kala ah Danab iyo Gorgor.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu horumar ka samaynayo dhismaha ciidan sugan oo awood u leh in aysan ilaalin oo kaliya hay’adaha dowliga ah balse ay sidoo kale ballaarin karaan awoodda dowladda.

Bartamaha Soomaaliya, ciidamada federaalka oo ay taageerayaan dadka degaanka ee maxalliga ah ayaa si tartiib tartiib ah ugala wareegayay deegaanno Al-Shabaab maamulayeen tan iyo bishii Ogosto.

Duulaanka ciidan ee hadda socda ayaa ah mid gabi ahaanba la qorsheeyay oo ay fulinayaan taliyayaasha Soomaalida iyo ciidamada deegaanka, waana guul la taaban karo oo kor u qaadaysa kalsoonida.

Ciidamada ay tababareen dowladaha kawada tirsan gaashaanbuurto NATO ee Turkiga iyo Mareykanka ayaa ah udub dhexaadka ciidamada Soomaaliya ee howlgalladan fulinaya.

Ciidamada Soomaalida ee caanka ah ee loo yaqaan Danab waxaa tababara isla markaana qalabeeyay Mareykanka. Askartan waxay ka howlgalayaan degaanadda Galmudug iyo HirShabelle.

Tiradda askarta Danab ayaa hadda ku dhow 2,000 marka lagu daro dufcad cusub oo ka kooban 350 askari oo toddobaadyo ka hor tababar uga bilowday garoon diyaaradeed oo ku yaalla galbeedka Muqdisho.

Turkiga ayaa ilaa hadda tababaray 5,000 oo kamaandoos ah oo loo yaqaan Gorgor. Si loo xoojiyo taliskooda iyo hogaankooda, Ankara ayaa sidoo kale waxay kaloo tababartay 316 sarkaal iyo 392 saraakiil-xigeen.

Ciidanka uu Turkiga tababaray ayaa qudhooda waxay ka howlgalaan gobolada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed halkaasoo dhaqdhaqaaqyo ciidan ay bilooyinkii u dambeeyay ka socdeen.

Ankara ayaa haatan lasoo baxdey kaalin cusub. Waa duqeymo diyaaradeed iyo sahan sirdooon oo dhanka hawada ah. Dowladda Soomaaliya ayaa qarinaysa doorkan cusub balse lama ogga in ay tahay xeelad ciidan.

Koorsooyinka tababarka ayaa ka soconaya gudaha Muqdisho iyo degaano kale oo ku hareereysan, waxaana xarumaha qorista ciidamada oo badankooda ku yaala caasimadda kasoo muuqanaya dhalinyaradda jaamacadaha waddanka ka baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM