Xamse oo cadaadis ku bilaabay hogaanka gobolka Banaadir

Image
Talaabada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo hagaagaysa xilli amni darada caasimada sii baaheyso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shalay waxa uu kulan muhiim oo ku saabsan sugidda nabad-gelyada magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale [Maddaale] ayaa ugu horeyn wuxuu warbixin siiyey wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka.

Sida laga soo xigtey xafiiska ra'iisul wasaaraha, kulanka ayaa diirada lagu saarey sugidda Amniga gobolka Banaadir iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qaybqaadashada ciribtirka Khawaariijta.

Xamse ayaa hor-dhigay guddoonka gobolka laba qodob oo kala ah; muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo iyo sarana loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga, "maadaama kooxda Khawaarijta lagu soo jebiyay gobollada dalka ayna suuragal tahay inay ku soo dhuuntaan magaalooyinka oo ay caasimaddu ugu horreyso".

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Khawaarijta ah si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka argagaxisada," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Ammaanka Muqdisho ayaa su'aallo badan ay ka taagnaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay waxaana ugu wacan in ay dhaceen falal amni darro oo wali aanan cid loo maxkamadeyn.

Go'aanada uu Xamse dul-dhigay maamulka gobolka Banaadir ayaa kusoo hagaagaya xilli ay soo baxayeen maalmihii lasoo dhaafay digniino ku saabsan in ay caasimada ka dhici karaan qaraxyo iyo weeraro.

Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa asbuucii hore wuxuu si adag uga doodey xaalada ammaan ee dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho oo mudooyinkii u dambeeyay liidatay.

Ajandahan ayaa miiska lasoo saarey ka gadaal markii 22 mudane ay mooshin ka gudbiyeen qodob kale oo ku saabsanaa korontadda. Xildhibaanadda ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyey soojeedinta sharci-dejiyeyaasha.

Sidoo kale, xubnaha Aqalka Hoose ee la hadlay kulankan ayaa waxay carabka ku dhufteen in amniga magaala madaxda "faraha kasii baxaya" uu haatan u muuqdo mid isku badalaya "sharaf dil, saluug hogaamin iyo kala shaki".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM