"Xarakadda bidaarta": Ololaha Falastiiniyiinta ee dunida soo jiitay
ANKARA, Turkey - Dhalinyaro reer Falastiiniyiin ah oo ku sugan xerada qaxootiga ee Shuafat ee bariga Quddus ayaa bilaabay olole ay tiimaha isaga xiirayaan si ay ugu muuqaal ekaadaan wiil dhalinyaro ah kaasoo ay raadinayaan ciidanka Yahuuda.
Talaabadda ay qaadeen da'yartan oo soo jiidatay dadyow badan ayaa waxay ku garab-istaagayaan Udai Tamimi, oo 22-jir, kaas oo lagu eedeeyay inuu dilay askari Israa'iil ah laguna magacaabo Noa Lazar 8-deeda October ka dibna waa la waayay.
"Xarakadda bidaarta" ee dhalinyarada reer Falastiin ayaa muddo gaaban gudaheed lagu hadal-haayaa baraha bulshada, iyadoo muuqaalada dhalinyarada madaxa looga xiiray goobaha timo-jaraha iyo guryaha ay soo jiiteen dareen badan.
October 8-deeda, weerar hubaysan oo ka dhan ah ciidamada Israel oo ku sugnaa bar kontorool oo ku taal xerada qaxootiga ee Shuafat ayaa sababay in la dilo askari Israa'iili ah iyo dhaawaca laba kale.
Ciidamada Israel ayaa sheegay in Tamimi ay ku dhuumaaleysanayo xerada qaxootiga, waxayna ku hareereeyeen xerada iyo xaafadaha u dhow muddo shan maalmood ah, halkaas oo ku dhawaad 150,000 oo Falastiiniyiin ah ay ku nool yihiin.
Askrta Israel ayaa sameysay isbaarooyin si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa guud ahaan xeradda, waxaana ay qaadeen weeraro toos ah iyagoo wadooyinka xerada ka dhigay goobo dagaal.
Iyada oo go'doominta ciidanka Israa'iil ee xerada ay curyaamisay nolol maalmeedka dadka badan, xerada waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo xayiraadda, iyaga oo ku tilmaamay "ciqaab wadareed."
Guud ahaan shacabka Falastiin, gaar ahaan Bariga Quddus, ayaa ayay ka dhaceenbanaanbaxyadda. Shaqo-joojin guud ayaa sidoo kale looga dhawaaqay magaalooyin badan, goobaha shaqada waa la xiray, waxaana la joojiyay waxbarashadii iskuullada.
GAROWE ONLINE