Xasan Sheekh: AS bil gudaheeda ayay ku qoratay 8,000 xubno cusub ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa helay xubno cusub oo gaaraya 6,000-8,000 hal bil gudaheed, sidda uu sheegay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa sheegay in kororka ku yimid dagaalameyaasha cusub ee iska qoreysa Al-Shabaab ay ka dhalatay heshiis beenaadkii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi.
Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Addis Ababa kahor inta uusan dib ugu soo laaban Muqdisho Sabtidii shalay ahayd.
"Heshiiskan waxa uu 'madal siiyay xagjiriinta inay si been abuur ah u sheegtaan inay difaacayaan dhulka Soomaaliyeed, taasoo khatar gelinaysa amniga qaranka," ayuu raaciyay.
Shirka Jaraa'id ayaa ahaa midkii uu Dowladda Ethiopia ku eedeeyay inay carqaladeysay ka qeybgalkiisa Shirka Midowga Afrika.
Dhawaqa kasoo yeeray Xasan Sheekh ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli Abwaano iyo dhalinyaro kale ay dhowaanahan kasoo muuqdeen baraha bulshadda iyaga oo muujinaya taageerida Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE