Xasan Sheekh: Hub uma dhiibayno Roobow balse waa wax ku ool
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marti-qaadey wariyeyaal ka tirsan The Guardian si ay wareysi ula yeeshaan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta federaalka, Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur].
Sida laga soo xigtey Xasan Sheekh, qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya kuma jirto in uu hub siiso Abuu Mansuur si uu furimaha dagaalka ugu wajaho maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakdda Al-Qaacida.
"Hub ma siinayno mana ka codsanayno in uu dagaalamo, balse waxa uu noqon karaa mid wax waxtar leh oo aan adeegsan karno," ayuu Xasan Sheekh ku yiri wareysi uu siiyey isla majaladan laga leeyahay dalka Ingiriiska.
Roobow ayaa kaalintiisa xukuumadda wuxuu ku sheegay "furinta dhanka fikirka". Maamulka Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo caqiiqada oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Tani ayaa ka dhigan in Abuu Mansuur uu hogaamin doono duulaanka dhanka dacaayadaha warbaahinta ee dowladda. Todobaadkan wuxuu ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ku wareejiyey "qorshe howleedka" wasaaradiisa.
Warar ayaa sheegaya in qorshahan uu qeyb ka yahay telefishin cusub oo laga hirgeliyey warbaahinta dowladda. SNTV Daljir oo dowladdo shisheeye maalgelinayaan wuxuu baahin doonaa wararka howlgaladda ciidamadda milatariga Soomaaliya.
Madaxweynaha oo dhowaan tagay qaar kamid ah furimaha dagaalka Al-Shabaab ayaa aaminsan in Roobow uu ku qancin karo ugu yaraan qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay soo goostaan.
"Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka sarre ee Al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin," ayuu sii raaciyey isaga oo difaacaya xulashada Roobow.
Xasan ayaa si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyey in Roobow uu sameeyay qaar ka mid ah habab isgaarsiineed oo uu la sameeyay xubnaha dhexdhexaadka ah ee Al-Shabaab, uuna ku dhiirigelinayo in ay dhinac u kala wareegaan.
Ugu dambeyntii, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuux-sadey in dowladdiisa ay ka go'an tahay in ay ciribtirto dagaalameyaasha baaqiga ku ah Al-Shabaab. "Waxaan u adeegsanaynaa usha iyo karootada si isku mid ah," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.
GAROWE ONLINE