Xasan Sheekh iyo Xamse oo aqoonsanaya natiijada shirka Laascaanood
MUQDISHO, Soomaaliya - Warar hoose oo aan ka heleyno labada xafiis ee ugu sareeya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay aqoonsan doonaan go’aanada kasoo baxa Shirka lagu balansanyahay ee Laascaanood.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi ayaa la kulmay xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag, waxayna u sheegeen in ay aqbali doonaan "rabitaanka shacabka" goboladaas.
Arrintan ayaa waxaa sii xoojinaysa in calanka Soomaaliya si weyn loogu soo bandhigay isu soo baxyada ka socda Laascaano, iyada oo dadka halkaasi ay sheegayaan in ay hoos tagayaan, islamarkaasna taageersanyihiin dowladda Soomaaliya.
Garaadka guud ee Bulshada Sool iyo Sanaag Garaad Jaamac oo meel fagaaro ah kula hadlay kumanaan qof oo Reer Laascaano ah ayaa sheegay in aanan Soomaaliya la kala goyn karin, isaga oo markaasi sare u hayay calanka buluugga ah oo marar badan dad loo xirxirey.
Garaadka ayaa 15 sano ka maqnaa magaalada, isaga oo diidanaa gooni isu taagga Somaliland.
"Waxa shirka Laascaano kasoo baxaya nin caqli lehna waa ogyahay, doqona loo sheegi maayo," ayuu yiri.
Lama oga halka ay ku dambayn doonto qaddiyadda wadahadalka Somaliland ay la lahayd dowladda federaalka haddii la aqoonsado waxa kasoo baxa shirka Laascaanood.
GAROWE ONLINE