Xasan Sheekh: Soomaaliya waxay khatar ugu jirtaa Al-Shabaab
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Al-Shabaab ku tilmaamay "khatar" ay wajahayso Soomaaliya "loona baahan yahay in lagu jebiyo" kacdoonka ka bilowday qaybo kamid ah dalka.
Maqaal uu ku daabacay wargeyska laga leeyahay Ingiriiska ee The Guardian ayuu ku caddeeyay in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay sanadihii u dambeeyay ka ganacsanayeen "naafeynta shacabka".
"Soomaaliya waxaa khatar ku ah [kooxda] Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida kuwaasoo ka ganacsanayey dilka, naafeynta iyo baad ka qaadida shacabka Soomaaliyeed 15-kii sano ee la soo dhaafay," ayuu yiri.
Wuxuu raaciyey: "Kooxdan ayaa mar iska dhigaysa inay matalaan diinta nabada ah ee Islaamka, balse waxa soo shaac baxay falkan arxan darada ah ee ay ku hayaan dadka aan waxba galabsan".
Dowladda federaalka ayaa laba furin horleh ku kordhisay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasoo kala ah dagaal dhanka dhaqaalaha ah iyo duulaan dhinaca fikirka ah.
"Iyadoo al-Shabaab ay weli khatar cad ku tahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, dowladda, dadka iyo saaxiibada caalamku waxay si wadajir ah u abaabuleen sidii looga hortagi laha," ayuu madaxwaynuhu raaciyey.
Xasan ayaa intaas ku daray: "Dadaalkan wadajirka ah ayaa miro dhal ah marka loo eego tirada dhulalka dhowaan la xoreeyay iyo argagixisada laga adkaaday ee dhibaateeyay bulshada".
"Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah al-Shabaab iyo iskaashiga caalamiga ah waa awoodaha dhabta ah ee ay tahay in lagu kabo kaalmada xasilinta si loo xaqiijiyo guulahan taariikhiga ah inay noqdaan kuwa waara," ayuu xusay.
Gobolka Hiiraan ayaa xudun u ahaa kacdoonka shacabka. Shabeellaha Dhexe ayuu kusii fiday halkaasoo kooxda ay haatan kaliya ka maamusho hal dego ayna ciidamadda kusii jeedaa waqti-xaadirkan.
Jubaland, Galmudug iyo qaybo kamid ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaan wali ka bilaaban howlgaladan waxaana loo aaneynayaa kala shaki siyaasadeed oo ka dhex-taagan hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya.
GAROWE ONLINE